“Magacu muxuu ka dhigan yahay? Haddii aan ubaxa u bixin lahayn magac kale mar waliba waxa uu u uri lahaa si isku mid ah (udgoon)”.
Shakespeare. Romeo and Juliet
Odhaahdan caan baxday ee Shakespeare waxay noqotay mid qayb ka ah dhaqanka casriga ah, iyadoo lagu xardhay koobabka qaxwaha, funaanadaha iyo kaararka dhambaallada la isku diro la raaciyo.
Balse haddii aad waydiiso dadka ku xeeldheer gorfeynta magacyada ee afka qalaad loo yaqaan - onomastics, - jawaabtu waxay noqon doontaa mid layaab leh.
Sida ay khubaradu tilmaameen, magacyadu waa bilowga aqoonsiga qofka waxayna sii ahaadaan “astaanta qofeed” inta uu qofku ifka joogo, iyagoo tilmaama qofka uu yahay ama deegaanka ama diinta uu ka soo jeedo.
Laakiin waxay sidoo kale noqon karaan kuwo sabab u ah midab-takoorka, gaar ahaan dalalka Maraykanka iyo Yurub.
Cilmi-baaris loogu magac daray “Emily iyo Greg shaqo ma u heli karaan si ka fudud Lakisha iyo Jamaal?” ayaa lagu ogaaday in haddii aad leedahay magac dhawaqiisu yahay Af-Carabi, fursadaha aad shaqo uga heli karto Maraykanka ama Yurub ay ka yar tahay dadka leh magacyo u dhawaaqa sida kuwa Reer Galbeedka.
Daraasaddan oo ay sameeyeen laba dhaqaaleyahan – Marianne Bertrand iyo Sendhil Mullainathan – waxay ku tijaabiyeen aragtidooda in magacyadu saameyn ku yeelan karaan fursadaha shaqo ee Chicago iyo Boston, sababo la xiriira takoorka ka jira suuqa shaqada.
Dhaqaaleyahannadu waxay abuureen shan kun oo CV oo leh magacyo u dhawaaqa dadka Cadaanka ah iyo kuwa u dhawaaqa dadka Madowga ah. Waxay sidoo kale ku darayeen CV-yada qaar aqoon sare, xirfado iyo khibrad shaqo, halka kuwa kale ay ku tilmaamayeen aqoon hoose. Waxayna u direen shaqo-bixiyeyaasha xayeysiin ku daabacay wargeysyada kala duwan.
Inkasta oo ay lahaayeen khibrad iyo aqoon sare, CV-yada magacyada dadka Madowga ah ayaa si xun loogu qiimeeyay marka loo eego kuwa magacyada dadka Cadaanka ah, kuwaas oo helay jawaabo 50% ka badan.
“Marka la eego qiyaasahayaga, magac Cadaan ah wuxuu keenayaa jawaabo badan oo u dhigma siddeed sano oo khibrad dheeri ah. Maadaama magacyada si aan kala sooc lahayn loogu xilsaaray CV-yada, farqigan waxaa loo aanayn karaa keliya magac beddelka,” ayay dhaqaale-yahannadu qoreen.
Marka dhinaca guud ee siyaasadda la eego, arrintani waxay tilmaami kartaa farqiga sii socda ee dhaqaale iyo siyaasadeed ee u dhexeeya dalalka horumaray iyo kuwa aan horumarsanayn ee leh taariikh gumeysi la soo maray.
In kasta oo daraasaddan ay si cad u muujisay natiijada dhaqaale ee magaca, khubaradu waxay sheegayaan in magacyadu saameyn ku leeyihiin nolosha dadka meel ka baxsan xuduudaha ganacsiga.
"Sababtoo ah magaca waxaa loo isticmaalaa in lagu aqoonsado qofka oo loola xidhiidho qofka maalin kasta, wuxuu u adeegaa aasaaska fikradaha qofka ee nafsadeed, gaar ahaan marka loo eego dadka kale," ayuu yiri David Zhu, oo ah borofisar ku takhasusay maamulka iyo hal-abuurka ee Jaamacadda Arizona State, kaas oo diiradda saaraya sababaha nafsiyeed ee magacyada.
Magac naadir ah wuxuu noqon karaa mid sabab u ah kalinimada, taasoo dhalinaysa dareenka go’doonka, ama magac ayaa noqon kara sabab qof u galo dembi.
Waxaa xitaa dhici karta in magacu uu yareeyo fursadaha helitaanka lamaanahaaga nolosha, sida lagu sheegay daraasado kala duwan.
Aragtiyo kala duwan ayaa la sameeyay si loo sharaxo sababta iyo sida ay tani u dhacdo.
Go’aaminta Magacu ku yeesho shakhsiyadda:
Go’aaminta magacu ku yeesho shakhsiyadda (Nominative determinism) oo micnaheedu yahay natiijo ay magaca go’aamiso, ayaa ah mid ka mid ah aragtiyaha ugu xooggan ee arrintan la xiriira.
Afka Ingiriisiga, waxaa jira ereyo kale sida euonym iyo aptronym oo lagu qeexo xaaladda magaca ku habboon qofka, meesha, ama shayga la magacaabay.
Sida laga fahmay nominative determinism, oo markii ugu horreysay uu adeegsaday CR Cavonius – qof aan ahayn aqoonyahan balse ah akhriste caadi ah oo ka tirsan joornaalka New Scientist – magacyadu waxay si cad u saameeyaan nooca xirfadda iyo shaqada ay dadka xiiseeyaan.
Tusaalaha caanka ah ee aragtidan waxaa loo isticmaalaa magacyada laba qoraa, AJ Splatt iyo D Weedon, kuwaas oo si wadajir ah u qoray maqaal ku saabsan incontinence oo lagu daabacay British Journal of Urology.
Jen Hunt, oo ah cilmi-nafsiga, ayaa sheegtay in “qoraayaasha ay inta badan ku sii jeestaan aag cilmi-baaris ah oo ku habboon magacooda,” iyadoo tusaale ahaan u soo qaadatay Splatt iyo Weedon.
Si xiiso leh, Hunt waxay arrintan ku xustay maqaal la yiraahdo The Psychology of Reference Hunting, oo ay ku xoojisay aragtida nominative determinism. Waxay maqaalkeeda ku soo gabagabeysay: “Malaha tani waxay sharxeysaa sababta aan maqaalkan u qoray. Ugaarsasho wacan!”
Waxaa jira tusaalooyin badan oo ku saabsan nominative determinism.
Sigmund Freud, oo ahaa aasaasaha cilmi-nafsiga falanqaynta maskaxda, wuxuu xoogga saaray muhiimadda farxadda nolosha. Waxaana si fiican loogu xardhay shaxda arrintan, maadaama magaciisu ka turjumayo “qof farxad badan.”
Carl Gustav Jung, oo ahaa cilmi-nafsi yaqaan hormuud ah iyo arday hore u soo maray Freud, sidoo kale wuxuu taageersanaa fikraddan, oo markii dambe loo bixiyay nominative determinism.
“Herr Freud (Farxad) wuxuu u ololeeyaa mabda’a raaxada, Herr (Alfred) Adler (Gorgorka) awoodda rabitaanka, Herr Jung (Yare) fikradda dib-u-dhalashada...” ayuu ku qoray buuggiisa Synchronicity: An Acausal Connecting Principle.
Isku-Dabci Qarsoon
Hase yeeshee, aqoonyahanno kale ayaa diiddan ilo sir ah oo la xiriira aragtida nominative determinism.
Taa beddelkeeda, waxay tilmaamayaan aragtida Isku-dabci qarsoon (implicit egotism), oo sheegaysa in dadka ay leeyihiin isku-dabeecado aan garasho ku salaysnayn oo ay ku doortaan arrimaha la xiriira shakhsiyadooda.
Uri Simonsohn, oo ah aqoonyahan cilmi-nafsi, ayaa maqaal ku dooday in “sababta implicit egotism — soo jiidashada miyir-beelka ah ee bartilmaameedyada la xiriira nafta—dadku ay aad ugu doortaan lammaane nololeed, meelaha ay ku nool yihiin, iyo xirfadaha leh magacyo la mid ah kuwa iyaga u gaar ah.”
Sida uu qabo Simonsohn, aqoonyahannadu uma baahna inay raadiyaan caddeymo adag oo lagu xaqiijiyo nominative determinism. Taa beddelkeeda, waa inay tixgeliyaan sababo fudud oo ah sababta nin ugu guursado haweeney magaceeda dambe ama asalkeedu uu la mid yahay kan isaga, ama qof u guuro meel sababtoo ah waxay dhawaaq ahaan u eg tahay magaciisa, ayuu qoray.
“Caddeymaha implicit egotism ee ka soo baxay sheybaarka waa kuwo badan oo qancinaya. Waxay ka bilaabatay muujiinta saamaynta magac-harfaha, taasoo ka kooban aragtida ah in dadka ay jecel yihiin xarfaha ku jira magacooda in ka badan inta dadka kale jecel yihiin,” ayuu qoray, isagoo tixraacaya baaritaan muujinaya in dadka ay u badan tahay inay xiriir la sameeyaan dad, goobaha, iyo noocyada leh xuruufo u eg magacyadooda.
Jesse Singal, oo ah suxufi qoraa iyo xog-baare ah, ayaa dhawaan arrintan u soo bandhigay qaab cad.
“Ugu dambayntii, fikradda ah in magacyadu aysan saadaalin xirfadaha oo kaliya balse sidoo kale natiijooyinka kale ee nolosha waxay heshay xoojin cilmiyeed oo si buuxda u adeegsata jaantusyo iyo garaafyo,” ayuu qoray Mr Singal.
XIGASHO: TRT World