Caalamka
4 daqiiqo akhris
Caro Ka Dhalatay Hadalkii Macron uu Dalalka Afrika ku Sifeeyay Inaysan ka Mahadcelin Wanaaggii Loo Falay
Hoggaamiyeyaasha Afrika ayaa si adag uga jawaabay hadalka madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, uu ku sheegay in dalalka Afrika ay madaxbannaanidooda Paris awgeed ku heleen, iyagoo xusuusiyay in haddii aysan jirin taageerada ciidamada Afrika xilligii Dagaalkii Koowaad iyo Labaad ee Adduunka "Laga yaabo inuu Faransiisku weli Jarmalka ka mid ahaan lahaa."
Caro Ka Dhalatay Hadalkii Macron uu Dalalka Afrika ku Sifeeyay Inaysan ka Mahadcelin Wanaaggii Loo Falay
"Waxaan u maleynayaa inay illoobeen inay dhahaan 'Mahadsanid'," ayuu yiri Macron. /Sawirka: AFP
9 hours ago

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa wajahaya caro ka timid xulafadiisa ugu haray Galbeedka Afrika kaddib markii uu ka cawday in dalalka Afrika "ay iloobeen inay mahadceliyaan" markii uu Faransiisku ciidamo u diray si ay ula dagaallamaan fallaagada mintidiinta ah. Sidoo kale eedeymo gudaha Faransiiska kaga yimid ayaa lagu sheegay inuu muujiyay aragti gumeysi cusub ah, 

"Waxaan u maleynayaa inay iloobeen inay yiraahdaan 'mahadsanid'. Taasi wax dhib ah ma leh, markale ayaa la fahmi doonaa," ayuu Macron ka sheegay khudbad uu Isniintii u jeediyay safiirrada Faransiiska.

"Waxaan sameynay wax sax ah," ayuu yiri isaga oo ka hadlayay faragelintii militari, isagoo intaas ku daray in dalalka mandiqadda Saaxilka "midna" uusan ahaadeen mid "madax-bannaan" haddii aan la samayn faragelintaas.

"Waan ka baxnay maxaa yeelay waxaa dhacay afgambi, waxaana halkaas u joognay codsi ka yimid dowlado madax-bannaan oo naga codsaday inaan imaanno," ayuu sii raaciyay Macron. "Faransiisku mar dambe ma faragelin doono maxaa yeelay annagu gacan-yareyaal uma nihin hoggaamiyaasha afgambiga sameeya."

Faransiiska ayaa wajahaya dib-u-dhac siyaasadeed oo ka dhex jira dhulalkiisii hore ee gumeysiga ee mandiqadda Saaxilka lagu magacaabo, kaddib afgambiyo militari oo ka dhacay Mali 2021, Burkina Faso 2022 iyo Niger 2023 kuwaasoo xukunka ka tuuray dowladihii la soo doortay, isla markaana sababay in ciidamada Faransiiska laga saaro wadamadaas.

Iyadoo Ruushku uu xoojiyay saameyntiisa saddexdaas dal, Paris waxay isku dayday inay sii xoojiso xiriirka ay la leedahay Senegal iyo Chad, balse hadda labaduba waxay shaaciyeen in ciidanka Faransiisku ay ka baxaan dalalkooda.

Faransiiska, oo uu xilligaas hoggaaminayay madaxweynihii hore Francois Hollande, ayaa wuxuu 2013-kii bilaabay faragelin militari oo ka dhan ah fallaagada mandiqadda Saaxil, gaar ahaan dalka Mali.

Dagaalkaas, oo markii hore loo yaqaanay "Serval" balse markii dambe loo bixiyay "Barkhane", ayaa waxaa lagu dilay 58 askari oo Faransiis ah.

‘Baro Inaad ixtiraamto Dadka Afrika’

Madaxweynaha Chad, Mahamat Idriss Deby Itno, ayaa eedeeyay Macron, isagoo sheegay inuu ku sugan yahay "waqti khaldan," wuxuuna xusay inuu doonayo inuu muujiyo "caradiisa" hadalada Macron oo uu ku tilmaamay kuwo "u dhow yasid Afrika iyo dadkeeda".

Wasiirka kumeelgaarka ah ee arrimaha dibadda Chad, Abderaman Koulamallah, ayaa hore u sheegay in hadalada Macron ay muujinayaan "aragti yasid ah oo loo hayo Afrika iyo Afrikaanka," isagoo intaas ku daray in hoggaamiyeyaasha Faransiiska ay tahay inay "bartaan inay ixtiraamaan Afrikaanka".

Koulamallah wuxuu xusay "doorka muhiimka ah" ee Afrika iyo Chad ay ka ciyaareen xoreynta Faransiiska intii lagu jiray Dagaalkii Koowaad iyo Labaad ee Adduunka, taasoo uusan Faransiisku waligiis si dhab ah u qiran.

Chad, oo ahayd dalka ugu dambeeyay ee martigelinayay saldhigyada militari ee Faransiiska ku leeyahay mandiqadda Saaxil, ayaa dhamaadkii Nofeembar soo afjartay heshiisyadii difaaca iyo amniga ee ay la lahayd quwaddii gumeysiga, iyagoo sheegay inay "waayeel noqdeen" oo aan loo baahnayn.

Ku dhawaad kun askari oo Faransiis ah ayaa Chad ku sugnaa, kuwaasoo haatan bilaabay inay dalkaasi isaga baxaan.

Ra’iisul wasaaraha Senegal, Ousmane Sonko, ayaa isna si adag u dhaleeceeyay Macron, isagoo cambaareeyay hadalkiisii ahaa in dalalka Afrika ay tahay inay u mahadceliyaan Faransiiska.

"Faransiiska ma laha awood iyo sharciyad uu ku sugo ammaanka iyo madax-bannaanida Afrika. Taa beddelkeeda, wuxuu marar badan gacan ka geystay xasilooni-darrada qaar ka mid ah dalalka Afrika sida Liibya, taasoo cawaaqib xun ku yeelatay xasilloonida iyo amniga mandiqadda Saaxil," ayuu Sonko yiri.

Isagoo sii wada hadalkiisa ayuu xusay kaalintii ciidamada Afrika ay ka ciyaareen dagaalkii lagula jiray Naaziyiinta Jarmalka intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, wuxuuna yiri:

"Haddii askarta Afrika, oo mararka qaar si khasab ah loo dagaal geliyey, la bahdilay, ugu dambeynna la khiyaameeyay, aysan u dagaallamin difaaca Faransiiska intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, waxaa laga yaabaa in Faransiisku weli Jarmalka ka mid ahaan lahaa maanta."

Gudaha Faransiiska, xisbiga bidixda fog ee France Unbowed (LFI) ayaa ku tilmaamay hadalka madaxweynaha mid muujinaya "dabeecad gumeysi cusub oo aan la aqbali karin."

"Hadalkan waa mid siyaasiyad ahaan aan la jaanqaadi karin, diblomaasiyaddana aad ugu xun, wuxuuna sii wiiqayaa xiriirka Faransiiska iyo dalalka Galbeedka Afrika," ayuu xisbiga LFI ku daray hadalka ka soo baxay.

Hoggaamiyaha LFI, Jean-Luc Melenchon, ayaa dhankiisa sheegay: "Mar kale, hadal aan laga fiirsan ayaa sii xumeynaya xiriirka caalamiga ah ee dalkeenna."

XIGASHO: TRTWorld iyo wakaaladaha

Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us