In ka badan 55,000 oo qof oo horey uga barakacay gudaha Suudaan ayaa ku laabtay deegaanno ku yaal gobolka koonfur-bari ee Sennar, kaddib markii ciidamadu dib u qabteen caasimadda gobolka ee Sennar muddo ka badan hal bil ka dib, sida ay sheegtay hay'adda socdaalka ee Qaramada Midoobay (IOM).
Sabtidii, IOMayaa sheegay in kooxaha goob-joogayaasha ay "la socdeen soo laabashada qiyaastii 55,466 qof oo barakacayaal ah oo ku laabtay deegaanada gobolka Sennar" intii u dhaxaysay 18-kii Diseembar 2024 iyo 10-kii Janaayo ee sanadkaan.
Si kastaba ha ahaatee, guud ahaan dalka oo dhan, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in 21 bilood oo dagaal ah ay abuureen musiibada ugu xun ee dadka gudaha ku barakacay , iyadoo in ka badan 12 milyan oo qof ay ka barakaceen dalka.
Macaluul ayaa lagaga dhawaaqay qaybo ka mid ah dalka, laakiin khatarta ayaa ku sii faafaysa dad malaayiin ah oo kale, oo ay ku jiraan deegaanada waqooyiga Sennar, sida lagu sheegay qiimeyn ay saartay Qaramada Midoobay bishii hore.
"Xad-gudubyo weyn oo xuquuqda aadanaha ah"
Noofambar, ciidamada Suudaan, oo dagaal kula jira Ciidamada Taageerada Degdegga ah (RSF) tan iyo Abriil 2023, ayaa sheegay inay dib gacanta ugu dhigeen magaalada Sinja, caasimadda gobolka Sennar, taasoo ah marin muhiim ah oo oo u dhexeeya meelaha ciidamada dowladda Suudaan ay maamulaan ee bartamaha iyo bariga Suudaan.
Ciidamada RSF waxay gacanta ku haysay Sinja tan iyo dhammaadkii Juun, markii weerarkooda ay ku qasbeen in ku dhawaad 726,000 oo qof ay ku barakacaan,kuwaas oo badankoodu ka yimid gobollo kale, , sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.
Dagaalka ka socda Suudaan oo ay ku naf waayeen kumanaan qof.
Khamiistii, Wasaaradda Maaliyadda ee Mareykanka ayaa cunaqabateyn saartay taliyaha ciidanka Suudaan Abdel Fattah al-Burhan, iyagoo ku eedeeyay ciidamadiisu inay weerareen dugsiyo, suuqyo iyo isbitaallo, sidoo kalena ay u adeegsanayaan macaluusha hub dagaal.
Tallaabadan ayaa timid toddobaad ka dib markii Washington ay sidoo kale cunaqabateyn saartay taliyaha RSF, Mohamed Hamdan Daglo, iyagoo ku eedeeyay kooxdiisa inay geysteen xasuuq.
Xoghayaha Arrimaha Dibadda ee Maraykanka Antony Blinken ayaa sheegay in Daglo loo aqoonsaday "xad-gudubyada weyn oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha" ee ka dhacay gobolka Darfur ee galbeedka Suudaan, "si gaar ah xoogagga RSF ee uu xukumo oo si ba'an u geystay kufsi."