Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa ku nuux nuuxsaday muhiimadda Turkiga ay u leedahay midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya.
"Intii uu socday wadahadalkan, Madaxweyne Erdogan wuxuu muujiyay muhiimadda Turkiga ay u leedahay midnimada iyo madaxbanaanid Soomaaliya," ayaa lagu yiri war-saxaafadeed kasoo baxay xafiiska war-isgaarsiinta ee Turkiga maalintii Isniintii.
Erdogan ayaa sheegay in taageerada dagaalka Soomaaliya ee ka dhanka ah argagixisada ay sii socon doonto, isla markaana Turkiga ay sii wadi doonaan dadaalkooda dhex-dhexaadinta si loo xalliyo khilaafka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya.
Xiriirka labada dal ayaa xumaaday tan iyo markii Itoobiya ay heshiis dekedda ah la gashay gobolka gooni u goostay ee Somaliland bishii Janaayo 1 2024.
Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay in iskaashiga labada dal ee dhinacyada badan, gaar ahaan tamarta iyo difaaca, uu sii wadi doono..