Urur goboleedka iskaashi ee Geeska Afrika ayaa isguna soo dhaweeyay heshiiska taariikhiga ah oo dhex maray Soomaaliya iyo Itoobiya, kaasoo soo afjaray xiisad socodtay muddo ku dhow sannad, kadib wadahadallo ka dhacay caasimadda Turkiga, Ankara.
Workneh Gebeyehu, xoghayaha fulinta ee Ururka Iskaashiga urur goboleedka ee (IGAD), ayaa u mahadceliyay Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan doorkiisa muhiimka ah ee martigelinta iyo fududeynta wadahadallada keentay Bayaanka Ankara ee soo baxay habeenkii Arbacada.
“Heshiiskan muhiimka ah wuxuu astaan u yahay tallaabo weyn oo lagu xoojinayo xiriirka bulsho ee muddo dheer ka dhaxeeyay labada dal ee walaalaha ah, wuxuuna muujinayaa go’aan adag oo lagu xalinayo arrimaha labada dhinac si nabad ah,” ayuu Gebeyehu ku sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Khamiistii.
Gebeyehu ayaa sidoo kale aqoonsaday dadaalka Erdogan ee dhinaca diblomaasiyadda iyo wada-shaqeynta gobolka, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay “dadaallada diblomaasiyadeed ee noocaan ah, si loo xaliyo caqabadaha wadaagga ah, loona xoojiyo xasilloonida iyo barwaaqada Geeska Afrika.”
Midowga Afrika ayaa sidoo kale soo dhaweeyay heshiiskaas. Madaxweynaha Midowga Afrika Moussa Faki Mahamat ayaa sheegay in heshiiskan uu yahay "talaabo mas’uuliyad sare oo ka timid hogaamiyayaasha Soomaaliya iyo Itoobiya."
Wuxuu u hambalyeeyay Madaxweynaha Turkiga, Erdogan doorkiisa ku aaddan xalinta khilaafaadka labada dal, wuxuuna ku booriyay labada dal ee deriska ah inay "si degdeg ah u fuliyaan tallaabooyinka ku habboon ee la ansixiyay."
Go’aan ku aaddan midnimada
Labada dal ee Geeska Afrika ayaa muddo is khilaafsanaa,tan iyo markii Itoobiya ay heshiis la saxiixatay gobolka ka go’ay Soomaaliya ee Somaliland 1-da Janaayo, si ay u isticmaasho dekedda Berbera ee Red Sea. Turkiga ayaa dadaal ugu jirta sidii ay xiisadaha labada dal u damin lahayd.
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed, iyo Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shir jaraa'id ku qabtay caasimadda Turkiga ee Ankara, iyagoo shaaciyay heshiiska laga gaaray wadahadallada Turkiga dhex-dhexaadiyay.
Bayaanka wadajirka ah ee labada dal ayaa waxaa lagu caddeeyay in labada dhinaca ay aqoonsan yihiin madax-bannaanidooda, midnimadooda iyo wada jirkooda dhuleed, waxayna ballan qaadeen in ay bilaabi doonaan wadahadallo farsamo oo ay dhex-dhexaadiyaan Turkiga dhammaadka Febraayo 2025, isla markaana lagu soo gabagabeyn doono muddo afar bilood gudahood ah.
Itoobiya waxaa hore uga go’day Ereteriya sanadkii 1991, taasoo keentay in Itoobiya ay waaydo marin toos ah oo ay ku gaarto Badda Cas iyo dekedaha muhiimka ah.