Heshiisyada OpenAI ee shirkadaha warbaahinta ma u horseedi doonaan saxafiyiinta inay marin habaabiyaan?
Heshiisyada OpenAI ee shirkadaha warbaahinta ma u horseedi doonaan saxafiyiinta inay marin habaabiyaan?
In kasta oo ururo qaar, sida The New York Times, ay dacwad ka gudbiyeen OpenAI isticmaalka maqaalladooda si loogu tababaro chatbots-ka, kuwa kale, sida Axel Springer, Associated Press, iyo News Corp, waxay heshiisyo la galeen shirkadda sirdoonka farsamada.
منذ 13 ساعات

Ururada wararka iyo daabacayaasha ayaa wajahaya doorasho adag - waxay la shurakoobayaan shirkadaha AI ama waxay halis gelin karaan in nuxurkooda ay la wareegaan shirkadaha AI siyaabo kale.

Shirkadda caalamiga ah ee warbaahinta ee ay leedahay qoyska Murdoch, News Corp, ayaa noqotay tii ugu dambaysay ee heshiis la gasha OpenAI. Heshiiskani wuxuu oggolaanayaa in OpenAI ay isticmaasho waxyaabaha warbaahintu daabacdo si ay ugu jawaabto su’aalaha ay isticmaalayaasha ChatGPT ku weydiiyaan.

Heshiiskaan wuxuu siinayaa kuwa sameeya ChatGPT iyo qalabka kale ee garaadka macmalka, sida Sora — oo ah moodal AI ah oo abuuri kara muuqaallo dhab ah iyo kuwo mala-awaal ah iyadoo la adeegsanayo tilmaamo qoraal ah — inay helaan waxyaabaha hadda iyo kuwii hore ee daabacayaasha waaweyn ee News Corp.

Maxay mustaqbalka wararka kusoo kordhin kartaa wax-wadaaga saxaafadda iyo shirkadaha AI iyo kuwa teknoolojiyadda waaweyn?

Wada-shaqaynta OpenAI ee dhawaan la samaysay mid ka mid ah hay'adaha ugu waaweyn warbaahinta waxay xaqiijinaysaa in News Corp ay dhaqaale ka hesho isticmaalka waxyaabaha ay soo saarto si loogu tababaro moodellada AI. Laakiin, sida uu sheegay Terry Flew — oo ah borofisar ku takhasusay isgaarsiinta dhijitaalka iyo dhaqanka kana tirsan Jaamacadda Sydney iyo Fellow ka tirsan Golaha Cilmi-baarista Australia (ARC) — lacagta ay OpenAI ku bixisay heshiiskan ma aha mid u dhiganta qiimaha xogta.

"Waa dhibaato haysata OpenAI iyo shirkadaha kale ee arrintan ku shaqeeya, sida Google, oo ku saabsan helitaanka xog lagu kalsoonaan karo si sharci ah, iyo baahida loo qabo hab ganacsi oo qaan-gaar ah," ayuu Flew u sheegay TRT World.

In kasta oo labada shirkadood ee heshiiska ku lug leh aysan shaacin faahfaahinta dhaqaale ee heshiiskii ugu dambeeyay ee OpenAI, haddana sida laga soo xigtay Wall Street Journal — oo ay leedahay News Corp — heshiiskan wuxuu gaari karaa in ka badan $250 milyan muddo shan sano ah, waxaana ku jira magdhaw lacageed iyo abaalmarinno tiknoolojiyadda AI ee shirkadda.

News Corp waxay sidoo kale leedahay MarketWatch iyo New York Post gudaha Maraykanka. Australia iyo UK gudaheeda, waxay leedahay warbaahinta kala ah The Daily Telegraph, news.com.au, iyo The Australian ee Australia, halka UK ay ku leedahay The Sun, The Sunday Times, iyo The Times.

Heshiiskan muddo dheer soconaya oo lagu dhawaaqay toddobaadkii hore ayaa daba socda heshiiskii ay OpenAI la gashay Financial Times ee fadhigeedu yahay London, 29-kii Abriil. Shirkado kale oo daabacaadda ku shaqeeya, sida shirkadda leh Politico ee Axel Springer, The Associated Press, Prisa Media ee Spain, iyo Le Monde ee Faransiiska, ayaa sidoo kale heshiisyo la mid ah galay.

"Wararka waa u dahab saafi ah  shirkadaha AI-ga," ayuu yiri Jonathan Soma, oo ah borofisar ka dhiga saxafiyadda xogta Columbia Journalism School, una warramay TRT World. "Waxaa qoray dad, waa xog cusub oo ka dambeysa waqtiga xaddidan ee chatbot-yada, waana wax ay isticmaaleyaal badan doonayaan inay ogaadaan. Haddii warbaahinta ay iibinayso xuquuqda macluumaadkan qiimaha badan, waa inay dalbanayaan qiime aad u sarreeya."

Soma ma rumeysna in AI ay saxafiyadda beddeli doonto, balse wuxuu u arkaa inay noqon doonto "cuncun la socda saxafiyadda."

"Saxafiyiin la'aantood, dhacdooyinka hadda jira ee chatbots ma heli doonaan wax ay qoraan, wax ay daabacaan, ma jiraan jawaabo ay bixiyaan” ayuu raaciyay Soma.

"Su’aasha waxay tahay haddii iskaashigan uu siin karo ururada warbaahinta dakhli u dhigma dadaalka iyo kharashaadka ku baxay soo saarista saxafiyadda asalka ah. Waxaan shaki ka qabaa in News Corp iyo ururada kale ee warbaahinta ay garanayaan qiimaha dhabta ah ee xogtooda, waxaan kaloo shaki ka qabaa in OpenAI ay diyaar u tahay inay bixiso qiimaha saxda ah ee xogtaas."

Shirkado badan, sida New York Times iyo Chicago Tribune, ayaa doortay waddo kale iyagoo dacwad ku soo oogay OpenAI iyo Microsoft, iyagoo ku eedeeyay inay isticmaaleen maqaalladooda si loogu tababaro moodellada AI.

Qalabka AI sida ChatGPT, Copilot ee Microsoft, iyo Gemini ee Google waxay isticmaalaan moodellada luuqadeed ee waaweyn (LLMs) kuwaas oo falanqeeya qoraallo badan oo laga soo ururiyey internetka si ay u saadaaliyaan erayga xiga ee weedha. Tani waxay u oggolaaneysaa inay ku daydaan hadalka iyo qoraalka dadka.

Marius Dragomir, oo ah agaasimaha Xarunta Cilmi-baarista Warbaahinta iyo Saxaafadda, taas oo ah xarun madax-bannaan oo wax ka qabata cilmi-baarista warbaahinta iyo siyaasadda, ayaa iftiimiyay muhiimadda xeerar lagu hago iskaashiga u dhexeeya daabacayaasha iyo shirkadaha AI. Inkasta oo iskaashiga noocaan ah uu keeni karo faa'iidooyin ganacsi, ma aha dhammaan waxyaabaha la daabacayo kuwo leh tayo sare iyo saxnaan buuxda.

Dragomir ayaa u sheegay TRT World in ay muhiim tahay in la fahmo in warshadaha warbaahintu ay leeyihiin kala duwanaansho aad u weyn, taas oo sababi karta in warbaahinta qaarkeed ay bixiso warar dhinac u janjeera, iyadoo loo eegayo "danta mulkiilayaasha." Wuxuu intaas ku daray in qaar ka mid ah suuqyada warbaahinta ay awood xooggan ku uruursadeen, halka kuwo kalena ay gacanta ku hayaan dacaayado iyo warar marin habaabin ah oo ay dowladuhu maalgeliso.

"Xaaladda News Corp, qaar ka mid ah warbaahinteedu waxay caan ku yihiin tabloidyo iyo warar aan mar walba sax ahayn oo tayo hoose leh. Sidaa darteed, waxaa soo baxaya su’aal ah: Ma ku habboon tahay in waxyaabahaas loo soo bandhigo jawaabo 'sax ah' oo ku habboon su’aalaha dadka ay AI-da weydiinayaan?" ayuu yiri Dragomir.

Sida uu sheegay Jonathan Soma, oo ah borofisar ka tirsan Columbia Journalism School, chatbots-yada waxay kaloo u nugul yihiin inay abuuraan macluumaad khaldan ama ay wax u sharxaan si khaldan.

"Way fududahay in AI ay soo xigato maqaal, laakiin waxay bixin kartaa soo koobid gebi ahaanba khaldan — tusaale ahaan, waxaa jiray qaladaadkii ugu dambeeyay ee natiijooyinka raadinta abuurka ah ee Google. Natiijooyinka AI-da, oo aan garanayn xaqiiqada, waxay noqon karaan il lagu baahiyo macluumaad khaldan," ayuu yiri Soma.

Pete Pachal, oo ah aasaasaha Media CoPilot, wargeys ku saabsan sida AI u beddelayso warbaahinta iyo saxaafadda oo lagu daabaco Substack, ayaa sheegay in iskaashiga OpenAI iyo News Corp uu u muuqdo "marxalad isbadel ah."

Inkasta oo mustaqbalka wararka uu mugdi galay markii The New York Times ay dacwad ka gudbisay OpenAI bishii Diseembar eedeyn la xiriirta jebinta xuquuqda daabacaadda, haddana Pachal ayaa u sheegay TRT World in, "Heshiisyada waxyaabaha la daabaco ay u muuqdaan inay noqon doonaan caadi," iyadoo la tixraacayo heshiisyadii lala galay daabacayaasha waaweyn sida AP, Axel Springer, iyo heshiiskii ugu dambeeyay ee News Corp.

"The New York Times waxay heshay taageerayaal yar oo ku garab istaagay dacwaddeeda, laakiin ma ahan kuwo badan. Haddii xukun lagu rido oo ay guul ka gaarto, xitaa qayb ahaan, waxay beddeli kartaa sawirka oo dhan," ayuu yiri Pachal.

"Si istiraatiijiyad ahaan ah, heshiisyadani waa kuwo macquul ah maadaama ay siin doonaan daabacayaasha dakhli ay si weyn ugu baahnaayeen muddo gaaban," ayuu raaciyay Pachal. Si kastaba ha ahaatee, muddada dheer waxaa laga yaabaa inay noqoto khalad, maadaama shirkadaha AI si buuxda loogu oggolaaday inay 'la wareegaan xiriirka macaamiisha ee ku saabsan soo koobidda AI.'"

Pachal wuxuu sheegay in Google ay tahay "shirkad weyn oo dedejinaysa arrinta oo dhan." Wuxuu tilmaamay in daabacayaasha ay lumin doonaan taraafikada (booqdayaasha) markii astaanta AI Overviews ee shirkadda teknoolojiyadda — taas oo soo bandhigta soo koobidyo ay AI sameysay oo ka muuqda dusha natiijooyinka raadinta — ay noqoto wax caadi ah.

"Ma jiri doonaan heshiisyo lala galo Google oo ku saabsan waxyaabaha la daabaco," ayuu sharraxay Pachal, "sababtoo ah Google, si sax ah ama khalad ah, waxay u aragtaa AI Overviews inay ka mid tahay habka raadinta web-ka ee ay soo waday tobanaan sano."

Wuxuu intaas ku daray, "Cawaaqibka ugu weyn ee heshiisyadan lala galay OpenAI waa in daabacayaashu ay dani ugu jirto inay garab istaagaan OpenAI haddii dagaal dhaco mustaqbalka raadinta AI. Sababtoo ah haddii Google guuleysato, lacagtaas oo dhan waxay si degdeg ah u joogsan doontaa."

Maaddaama isticmaaleyaasha caadiga ah ay ku sii qanacsan yihiin aaladaha AI oo si toos ah uga jawaaba su’aalahooda, waxaa soo baxaya walaac ah in dadka ay aad ugu tiirsanaan doonaan chatbots-ka teknoolojiyadda waaweyn halkii ay ka raadin lahaayeen warbixin sax ah oo ay soo saareen saxafiyiinta iyo shirkadaha warbaahinta.

Alfred Hermida, oo ah borofisar ka tirsan Jaamacadda British Columbia ee qaybta Saxaafadda, Qoraalka, iyo Warbaahinta, halkaas oo uu agaasime ka ahaa in ka badan shan sano, ayaa u sheegay TRT World in mareegaha wararka ay lumin karaan booqdayaasha ku yimid si ku meel gaar ah iyagoo raadinaya warar kooban oo degdeg ah. Tani waxay keeni kartaa hoos u dhac weyn oo ku yimaada taraafikada(booqdayaasha) markii ay arrintani dhacdo.

"Heshiisyadani waa ilo dhaqaale oo qiimo leh oo loogu talagalay daabacayaasha, balse waxay halis ugu jiraan inay waxyeelleeyaan muddada fog, maadaama nidaamyada AI ay awoodi doonaan inay ku tababartaan waxyaabaha saxaafaddu daabacdo," ayuu yiri Hermida, isagoo intaa ku daray in heshiisyada sida kan lala galay News Corp ay muhiim u yihiin OpenAI maadaama ay siinayaan shirkadda AI waxa ay u baahan tahay — sahay joogto ah oo tababarka.

"Waxa aan caddayn ayaa ah waxa ku dhici doona warbaahinta marka nidaamyada sida ChatGPT ay bartaan inay soo saaraan warbixinno tayo sare leh."

Iskaashigani wuxuu fursad u siin karaa News Corp inay gaarto dhagaystayaal aan caadi ahaan booqan bogagga wararkeeda. Si kastaba ha ahaatee, Hermida wuxuu sheegay in aysan weli caddayn inay tani kor u qaadi doonto akhriska calaamadaha ay leedahay shirkadda.

"Caddaynta laga helay baraha bulshada waxay muujineysaa in aysan ka caawin dadka inay yeeshaan daacadnimo calaamadeed, maadaama dadku ay u arkaan barta ay ku dhexjiraan — tusaale ahaan, Facebook — inay tahay isha wararka," ayuu yiri Hermida, oo u arka heshiisyada u dhexeeya ururada warbaahinta iyo shirkadaha AI inay yihiin "seef laba af leh."

"Halista jirta waa in daabacayaasha wararka ay ku tiirsanaadaan shirkadaha AI, sida ay ugu tiirsanaayeen Facebook si ay u helaan booqashooyin iyo dakhli."

Tayada soo koobiddan iyo khibradda guud ee isticmaale ee ku saabsan wararka ay AI soo saartay ayaa go'aamin doonta inay noqdaan isha koowaad ee macluumaadka dadka iyo in kale.

Erik Borra, oo ka tirsan Jaamacadda Amsterdam ee qaybta cilmiga aadanaha iyo daraasaadka warbaahinta, wuxuu tilmaamay in dadka laga yaabo inay u diyaar garoobaan isbeddel ku yimaada habka loo helo loona isticmaali doono wararka.

Wuxuu yiri, "Isticmaalayaashu suurtagal ma aha inay gujiyaan xiriirka(linkiga) si ay u aadaan bogga daabacayaasha. Sidaas darteed, daabacayaasha way ku adkaan doontaa inay 'raacaan' wararka caanka ah, mana awoodi doonaan inay xayaysiimo ku daabacaan barahooda (halka badanaa booqashada badan ay la micno tahay lacag badan)."

"Waxay sidoo kale macnaheedu noqon kartaa hoos u dhac ku yimaada rukhsadaha gaarka ah ee dadka."

Xigasho: TRT WORLD

Qalinkii: Marion Fernando


Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us