W/Q: Nuri Aden
Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jabuuti ayaa u dabaal-dagaya laba guulood oo waaweyn marka la gaaro 9-ka Febraayo 2025. Tan hore waa in uu lixdan jirsnayo. Arinta labaadna waa in uu u sharaxan yahay inuu beddelo Moussa Faki Mahamat oo haatan haya jagada Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika.
Maxamuud, oo ah kan ugu da’da yar saddexda musharrax ee u tartamaya hoggaanka Midowga Afrika, wuxuu la tartamayaa Raila Odinga oo ka socda Kenya iyo Richard Randriamandrato oo u dhashay Madagascar.
Sida laga filayo, madaxda Afrika waxay ku kulmi doonaan Addis Ababa, caasimadda Itoobiya, si ay u doortaan hoggaamiyaha cusub ee Midowga Afrika.Waa loolan xasaasi ah, balse si kasta oo ay natiijadu noqoto, Geedka Afrika ayaa mar kale fursad u helaya inuu qabto jagada ugu sareysa ee ururka qaaradda.
Diblomaasi mustaqbalka Afrika aragti fog ka leh
Maxamuud wuxuu ololihiisa ku xoojinayaa waayo-aragnimadiisa ballaaran, himiladiisa horumarineed, iyo dedaalkiisa uu Afrika uga dhigi karo quwad ka faa’iidaysata kheyraadkeeda dabiiciga ah iyo dadkeeda kartida leh.
Maxamuud wuxuu muddo saddex sano ah hoggaaminayey Golaha Wasiirrada Jaamacadda Carabta, isagoo sidoo kale madax ka ahaa Golaha Wasiirrada Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) sanadkii 2012.
Muddadii uu xilalkan hayey, wuxuu muujiyay karti diblomaasiyadeed oo weyn, isagoo si firfircoon uga shaqeeyay xoojinta iskaashiga waddamada Carabta iyo caalamka Islaamka.
Musharrax Xooggan oo ay Taageersan Yihiin IGAD iyo OIC
Ambassador Dya-Eddine Said Bamakhrama, oo ah danjiraha Jabuuti u fadhiya Sacuudi Caraybiya, wuxuu sheegay in wadamada xubnaha ka ah Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC) ay si buuxda u taageeri doonaan Maxamuud.
Wuxuu sidoo kale yahay shakhsi si weyn loogu kalsoon yahay gobolka Geeska Afrika, gaar ahaan wadamada xubnaha ka ah IGAD, isagoo si weyn uga shaqeeyay nabadda iyo isku-xirka gobolka.
Maxamuud wuxuu ballan qaaday in uu difaaci doono matalaadda Afrika ee hay’adaha caalamiga ah, wuxuuna yidhi:
"Waa in Afrika ay kaalin muhiim ah ka hesho siyaasadaha caalamiga ah, si ay u horumariso danaha dhaqaale iyo horumarineed ee qaaraddeena."
Awoodda Luuqadaha Badan ee Maxamuud
Mid ka mid ah astaamaha ugu waaweyn ee Maxamuud waa kartidiisa uu si fudud ugu dhex shaqeyn karo Afrika oo ku kala hadasha luqado badan.
Wuxuu si rasmi ah ugu hadlaa Ingiriis, Carabi, Faransiis, Soomaali iyo Cafar.
Xirfaddan luqadeed ayaa u fududeynaysa in uu la falgalo hogaamiyeyaasha iyo bulshooyinka kala duwan ee qaaradda, taasoo ah mid lama huraan u ah hogaaminta Midowga Afrika.
Maxamuud wuxuu si gaar ah uga dhex muuqday dooddii siyaasadeed ee "Mjadala Afrika", halkaas oo uu kula tartamay Raila Odinga iyo Richard Randriamandrato.
Kartida Xalinta Khilaafaadka ee Maxamuud
Maxamuud wuxuu si rasmi ah u soo qabanqaabiyay shirkii dib-u-heshiisiinta Soomaaliya ee 2008, kaas oo lagu qabtay Jabuuti.
Shirkan wuxuu isu keenay dhinacyo kala duwan oo ka tirsan Soomaaliya, taasoo muujisay awoodiisa diblomaasiyadeed iyo kartidiisa xallinta colaadaha adag.
Intii u dhaxaysay 1997-2001, Maxamuud wuxuu ahaa safiirka Jabuuti ee Masar, wuxuuna u matalayey Jabuuti Jaamacadda Carabta. Wuxuu sidoo kale ahaa danjiraha aan joogtada ahayn ee dalalka: Suudaan, Lubnaan, Suuriya iyo Turkiga.
Kaalinta uu ka qaatay arrimaha gobolka iyo caalamka ayaa sii xoojisay sumcaddiisa, oo ka dhigtay hoggaamiye xal-raadiya ah.
Aragtida Mustaqbalka iyo Xidhiidhka Qurbajoogta Afrika
Maxamuud wuxuu qorsheynayaa in uu xoojiyo xiriirka Qurbajoogta Afrika, si ay door muuqda uga ciyaaraan horumarinta qaaradda.
Wuxuu yidhi: "Qurbajoogta Afrika waa kheyraad muhiim ah. Waxaan u shaqeyn doonaa sidii aan kor ugu qaadi lahaa doorkooda horumarineed."
Dhinaca gudaha, Maxamuud waa hoggaamiye ka tirsan xisbiga talada Jabuuti haya ee (RPP), wuxuuna ku jiray guddigiisa fulinta muddo 10 sano ah.
Sanadkii 2012, Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle ayaa siiyay darajada (Commander of the Order of the Great Star of Djibouti), oo ah mid ka mid ah abaalmarinnada ugu sarreeya ee dalkaas.
Hadafka: Mustaqbalka Dhalinyarada iyo Horumarka Afrika
Maxamuud wuxuu aaminsan yahay in dhalinyarada Afrika ay yihiin furaha mustaqbalka qaaradda, wuxuuna ballan qaaday in uu xoojin doono:- Waxbarashada Afrika, Abuurista shaqooyinka iyo kobcinta ganacsiyada yaryar, Soo afjaridda shaqo la’aanta dhalinyarada, Wuxuu sidoo kale u taagan yahay ilaalinta dimuqraadiyadda, isagoo yidhi: "Xushmeynta nidaamka dimuqraadiga ah iyo xuquuqda muwaadiniinta waa aasaaska xasilloonida dowladaha Afrika."
Maaddaama doorashadu soo dhowdahay, taageerayaashiisa waxay ku dhiirrigelinayaan inuu horseed u noqdo Afrika midaysan oo barwaaqo ah.
Haddaba, doorashada Febraayo 2025, ma noqon doontaa maalinta uu Maxamuud Cali Yuusuf hoggaanka ururka Midowga Afrika la wareego?
Waqtiga ayaa sheegi doona!
XIGASHO: TRT AFRIKA