Waxaa la filayaa in dowladda cusub ee Suudaan la dhiso marka dib u qabsashada Khartoum la dhameystiro, sida ay ilo milateri u sheegeen wakaaladda wararka ee Reuters Axaddii, maalin kadib markii hogaamiyaha militariga, Abdel Fattah al-Burhan, uu sheegay inuu dhisi doono xukuumad ku-meel-gaar ah oo ka shaqeysa dagaalka.
Ciidanka Suudaan, oo muddo badan dib ugu jiray dagaalka ay kula jiraan ciidamada paramilitari ee Rapid Support Forces (RSF), ayaa toddobaadyadii la soo dhaafay dib u qabsaday qaybo badan oo ka tirsan caasimadda Khartoum. Ciidamadu waxay kusoo dhowaanayaan qasriga madaxtooyada oo ah astaan muhiim ah oo ku taalla webiga Nile.
RSF, oo horay u sheegtay inay taageereyso dhismaha maamul rayid ah oo kale, ayaa dib u gurtay kaddib markii ay la kulantay awood ciidan oo xooggan, taas oo ay sababtay ciidamada cirka ee militariga iyo maleeshiyaad gacan-saar la leh ciidanka dowladda.
"Waxaan ugu yeeri karnaa xukuumad ku-meel-gaar ah, xukuumad dagaal, waa dowlad naga caawin doonta inaan dhameystirno hadafkeena milateri oo ah xoreynta Suudaan laga xoreeyo kooxahan fallaagada ah," ayuu Burhan ka sheegay kulan uu la yeeshay siyaasiyiin taabacsan militariga oo ka dhacay Port Sudan, oo ah saldhigga ugu weyn ee ciidanka dowladda.
Xabbad-joojin bisha Ramadaan lama filayo
RSF waxay gacanta ku haysaa inta badan galbeedka dalka, waxayna dagaallo culus kula jirtaa ciidan doonaya inay si buuxda u qabsadaan gobolka Darfur, gaar ahaan magaalada Al-Fashir.
Burhan wuxuu meesha ka saaray suurtogalnimada xabbad-joojin bisha barakeysan ee Ramadaan ilaa iyo inta RSF ay sii wadayso ololaheeda militari ee ka dhanka ah Darfur.
Dagaalka Suudaan wuxuu qarxay bishii Abriil 2023, kaddib markii la isku qabtay sida la isugu dari lahaa labada ciidan ee iska kaashaday in la rido xukuumaddii rayidka ahayd ee la wadaageen kaddib kacdoonkii xukunka ka tuuray madaxweynihii hore, Omar al-Bashir.
Colaadda ayaa sababtay mid ka mid ah dhibaatooyinka bini'aadantinimo ee ugu xun caalamka, iyadoo ay ku barakaceen in ka badan 12 milyan oo qof, halka kala bar shacabka dalka ay la daalaa dhacayaan macaluul.
Isbeddel lagu sameynayo dastuurka ku-meel-gaarka ah
Burhan wuxuu sheegay in isbeddel lagu sameyn doono dastuurka ku-meel-gaarka ah ee dalka, iyadoo ilo milateri ay sheegeen in laga saari doono dhammaan waxyaabaha la xiriira wada-shaqeynta militariga iyo rayidka, ama RSF. Tani waxay awoodda si buuxda ugu dhiibi doontaa ciidamada militariga, kuwaas oo magacaabi doona ra’iisul wasaare farsamo-yaqaan ah (technocrat), kaas oo isna soo dhisi doona xukuumad.
Burhan wuxuu ugu baaqay xubnaha isbahaysiga rayidka ee Taqadum inay ka tanaasulaan taageerada RSF, wuxuuna sheegay in la soo dhaweyn doono haddii ay sidaas sameeyaan.
XIGASHO: REUTERS