Caalamka
4 daqiiqo akhris
Jabhadda M23 ee ay taageerto Rwanda oo ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah
Jabhaddu waxay xustay sida ay uga go’an tahay ilaalinta iyo difaaca shacabka iyo goobaha ay gacanta ku hayaan.
Jabhadda M23 ee ay taageerto Rwanda oo ku dhawaaqday xabbad-joojin hal dhinac ah
Jabhadda M23 waxaa taageeraya ilaa 4,000 oo askari oo ka socda dalka dariska la ah ee Rwanda, sida ay sheegeen khubarada QM
6 orë më parë

Jabhadaha ay taageerto Rwanda ee qabsaday magaalada muhiimka ah ee bariga Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Kongo (DRC) ayaa ku dhawaaqay xabbad-joojin hal dhinac ah iyagoo tixraacaya arrimo bini'aadantinimo. Si kastaba ha ahaatee, wax calaamad ah laguma arkin inay ka tanaasuleen gacan ku haynta Goma, oo ah magaalo muhiim ah oo ku taal gobolka ay ku jiraan khayraad macdaneed oo malaayiin doolar lagu qiyaasay.

Ku dhawaaqista xabbad-joojinta ayaa timid Isniintii, wax yar uun ka dib markii hay'adda caafimaadka ee QM ay sheegtay in ugu yaraan 900 oo qof ay dhinteen dagaalkii todobaadkii hore dhex maray M23 iyo ciidanka Kongo kadib markii jabhaddu qabsatay Goma, oo ah magaalo ay ku nool yihiin 2 milyan oo qof.

Jabhaddu waxaa la sheegay inay markaa kadib u sii ruqaansadeen magaalo kale oo caasimad goboleed ah, Bukavu, iyagoo horey u balanqaaday inay u sii gudbi doonaan caasimadda Kongo ee Kinshasa, oo 1,000 mayl u jirta.

“Waa in si cad loo sheegaa inaysan jirin wax qorshe ah oo aan ku qabsanayno Bukavu ama meel kale. Si kastaba ha ahaatee, waxaan mar kale ku celinaynaa sida ay naga go’an tahay ilaalinta iyo difaaca shacabka iyo goobaha aan gacanta ku hayno,” ayuu yiri afhayeenka M23 Lawrence Kanyuka, oo war-saxaafadeed soo saaray.

Isbahaysiga jabhadda ayaa cambaareeyay ciidamada dowladda Kongo oo la sheegay inay si joogto ah u adeegsadaan diyaarado dagaal oo ka howlgala garoonka diyaaradaha ee Kavumu, halkaas oo lagu eedeeyay inay ka buuxiyaan bambooyin loo adeegsado weerarrada lagu laayo dadka ku nool goobaha ay jabhaddu "xoraysay".

Ma jirin wax jawaab ah oo ka soo baxay dowladda DRC. Ku dhawaaqista xabbad-joojinta ayaa timid xilli lagu wado shir ay isugu imaanayaan madaxda dalalka gobollada koonfurta iyo bariga Afrika, kuwaas oo ugu baaqay xabbad-joojin. Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa Isniintii sheegay in madaxweynayaasha Kongo iyo Rwanda ay ka soo qeybgali doonaan shirkaas.

Jabhadda M23 waxaa taageeraya ilaa 4,000 oo askari oo ka socda dalka Rwanda, sida ay sheegeen khubarrada QM, tiradan oo aad uga badan tii 2012-kii markii ay si kooban u qabsadeen Goma ka hor inta aysan isaga bixin cadaadis caalami ah darteed.

M23 waxay ka mid tahay jabhadaha ugu awoodda badan ee ka dagaallama bariga Kongo, halkaas oo in ka badan 100 kooxood oo hubeysan ay ku loolamayaan gacan ku haynta gobollada hodanka ku ah macdanta muhiimka u ah horumarinta tignoolajiyada caalamka.

Dagaalladii ugu dambeeyay waxay barakiciyeen boqolaal kun oo qof oo horey uga qaxay colaado daba-dheeraaday, taasoo keentay in dad badan ay markale ka cararaan guryahooda. Kumanaan qof ayaa u qaxay dalka dariska la ah ee Rwanda, oo beenisay inay taageerto jabhadda M23.

Colaad Qawmiyadeed

Dagaalka ka socda DRC wuxuu xidhiidh la leeyahay colaado qabiil oo soo jiitamayey sanado badan. Jabhadda M23 waxay sheegtay inay difaacayso qowmiyadda Tutsiga ee ku nool DRC.

Dowladda Rwanda waxay ku andacootay in Tutsiga lagu beegsaday DRC, gaar ahaan iyadoo ay bar-tilmaameed ka dhiganayaan qowmiyadda Hutu iyo maleeshiyaad horey uga qeyb qaatay xasuuqii 1994-kii ee lagu dilay 800,000 oo qof oo u badnaa Tutsiga iyo qowmiyado kale oo ka tirsan Rwanda.

Dad badan oo ka soo jeeda Hutu ayaa u qaxay DRC kaddib xasuuqaas, halkaas oo ay ka aasaaseen maleeshiya la yiraahdo Xoogagga Dimuqraadiga ee Xoreynta Rwanda (FDLR). Rwanda waxay ku eedeysay kooxdan inay si buuxda ugu dhex milantay ciidamada Kongo, inkasta oo dowladda DRC ay beenisay arrintaas.

Isniintii, qoysas quus taagan oo doonayay inay helaan maydadka eheladooda ayaa isugu soo ururay xarumaha meydadka la dhigo, xilli boorsooyin meydad ah lagu rarnaayay baabuur loogu diyaariyey aaskooda magaalada Goma.

Chiza Nyenyezi, oo ilmo ka qubanayso, waxay xustay sida wiilkeeda loo dilay kaddib markii la toogtay.

“Askari muzalendo ah ayaa dhabarka ka toogtay (xabadduna) waxay ka baxday laabta,” ayay tiri Nyenyezi, iyadoo ula jeedda maleeshiyada taageerta ciidamada dowladda DRC. “Laabtiisa oo dhan waa furneyd.”

Louise Shalukoma waxay sheegtay in maydka wiilkeeda aan markiiba laga qaadi karin waddada, maadaama uu qarax dhacay xilli dadku isku dayayeen inay soo celiyaan.

“Ilaahayow, ilmihii afraad ee aan dhalay, markii aan arkay in uu dhintay, waxaan iri, 'Rabbi, maxaan sameeyaa?'” ayay calool-xumadeeda ka muujisay. “Dagaalkan M23 wuxuu ii yimid halkan Goma.”

XIGASHO: TRTWorld iyo Wakaaladaha Wararka

Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us