Mareykanka ayaa xaqiijiyay in Israa’iil iyo Lubnaan ay ku heshiiyeen in la kordhiyo muddada ay ciidamada Israa’iil uga baxayaan koonfurta Lubnaan ilaa 18-ka Febraayo.
"Dowladda Lubnaan, dowladda Israa’iil, iyo dowladda Mareykanka waxay sidoo kale bilaabi doonaan wadahadallo ku saabsan soo celinta maxaabiista Lubnaan ee la qabtay kaddib 7-dii Oktoobar 2023," ayaa lagu yiri bayaan ay Aqalka Cad (White House) soo saartay Axaddii.
Dowladda Lubnaan ayaa sidoo kale xaqiijisay inay ballaarin doonto hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta ilaa 18-ka Febraayo 2025.
"Dowladda Lubnaan waxay mar kale xaqiijinaysaa go’aankeeda... in la sii wado hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta illaa 18-ka Febraayo 2025," ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Najib Mikati, kadib markii uu la tashaday madaxweynaha dalka iyo guddoomiyaha baarlamaanka. Waxa uu xusay in go’aankan yimid kadib wada-xaajood ay la yeesheen dhinaca Mareykanka oo mas’uul ka ah kormeerka heshiiska.
Xadgudubyada Israa’iil
Heshiiskan, oo la gaaray kadib markii Israa’iil codsatay waqti dheeraad ah si ay ciidamadeeda uga saarto koonfurta Lubnaan, ayaa loogu talagalay in lagu xaqiijiyo xasilloonida labada dal.
Mareykanka wuxuu ballanqaaday $117 milyan oo gargaar amni ah oo lagu taageerayo hirgelinta heshiiska xabbad-joojinta ee Lubnaan iyo Israa’iil.
Si kastaba ha ahaatee, ciidamada Israa’iil ayaa toddobaadkii hore galay 8 xadgudub, taasoo tirada guud ee jebinta heshiiska xabbad-joojinta ka dhigaysa 629 jeer tan iyo markii heshiisku dhaqan galay 27-kii Nofeembar.
Xabbad-joojintan jilicsan waxay soo afjartay dagaalkii ay isku weydaarsanayeen duqeymaha Israa’iil iyo Xisbullah oo bilowday 8-dii Oktoobar 2023, dagaalkan ayaana ku fiday heer dagaal buuxa 23-kii Sebtembar sanadkii hore.
XIGASHO: TRTWorld iyo Wakaaladaha Wararka