Maxkamadda Dastuuriga ee Somaliland ayaa si rasmi ah u caddeysay natiijada doorashada madaxtinimo ee 13-kii Nofeembar, taasoo uu ku guuleystay musharraxa mucaaradka, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi.
Maxkamaddu waxay si aqlabiyad ah u xukuntay in doorashadaasi ahayd mid xor ah oo caddaalad ah.
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee 13-kii Nofeembar, isagoo ka adkaaday madaxweynaha xilka haya, Muuse Biixi Cabdi.
Cirro, oo u tartamayey xisbiga Waddani, ayaa helay 407,908 codad ah, taasoo u dhiganta 64% codadkii ansaxa ahaa.
Heerka ka-qaybgalka codbixiyeyaasha
Muuse Biixi, oo u tartamayey xisbiga Kulmiye, ayaa helay 225,519 cod, taasoo u dhiganta 35% codadkii ansaxa ahaa, isagoo galay kaalinta labaad.
Musharrax saddexaad, Faysal Cali Waraabe oo ka socday xisbiga UCID, ayaa helay 4,699 cod, ama 0.7% codadkii ansaxa ahaa.
Sida uu shaaciyay guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland, Muuse Yuusuf Xasan, tirada guud ee dadkii is-diiwaangeliyey inay codeeyaan waxay ahayd 1.2 milyan, balse doorashadii dhacay 13-kii Nofeembar waxaa codeeyay ku dhawaad 648,000 oo qof, taasoo ka dhigan in ka-qaybgalku ahaa 53%.
Doorashada oo dib u dhacday
Doorashadan waxaa markii hore loo qorsheeyay in la qabto sanadkii 2022, balse arrimo siyaasadeed ayaa dib u dhac ku keenay.
Wakaaladda Wararka Soomaaliyeed ee SONNA ayaa sheegtay in doorashadu ay u dhacday si "nabad ah oo nidaamsan."
Madaxweynaha xilka ka degaya, Muuse Biixi, oo horey uga tirsanaa ciidamada cirka, ayaa Somaliland hoggaaminayey muddo toddobo sano ah.
Intii lagu jiray ololaha doorashada, Biixi oo 76 jir ah, ayaa ballan qaaday inuu aqbali doono natiijada doorashada, xitaa haddii uu guuldareysto.
Waa Kuma Cabdiraxmaan Cirro?
Muuse Biixi ayaa kaga adkaaday Cirro doorashadii madaxtinimo ee 2017-kii, isagoo helay ku dhawaad 306,000 cod (55%) halka Cirro uu helay 226,000 cod (41%).
Cirro oo 69 jir ah ayaa 2024-kii wuxuu ololihiisa diiradda ku saaray dib-u-habeynta dhaqaale iyo dimuqraadiyadeed, iyo abuurista shaqooyin badan.
Madaxweynaha la doortay, Cirro, wuxuu ku dhashay magaalada Hargeysa 29-kii Abriil 1955.
Wuxuu waxbarashadiisa sare ku qaatay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho.
Sida lagu shaaciyey bogga rasmiga ah ee xisbiga Waddani, Madaxweyne Cirro wuxuu haystaa shahaado sare (master’s) iyo heerka koowaad ee jaamacadda oo uu ku qaatay maamulka ganacsiga ah, kuwaasoo uu ka qaatay jaamacado Mareykanka ah.
Sanadkii 1981, Cirro wuxuu ka shaqo bilaabay wasaaradda arrimaha dibadda ee Soomaaliya, isagoo ka howlgalay safaaradda Soomaaliya ee Ruushka, kahor inta uusan u guurin Finland sannadihii 1990-meeyadii si uu ula noolaado qoyskiisa.
Sanadkii 1999, Cirro wuxuu dib ugu soo laabtay Soomaaliya, isagoo ka mid ahaa dadkii aasaasay xisbiga UCID.
Sanadkii 2005, waxaa loo doortay kana mid noqday baarlamaanka Somaliland, wuxuuna xilligaa kadib noqday guddoomiyaha baarlamaanka muddo 12 sano ah.
Madaxweyne ku-xigeenka
Sanadkii 2012, wuxuu ka mid ahaa aasaasayaashii xisbiga Waddani, wuxuuna noqday guddoomiyihiisa koowaad iyo musharraxa xisbiga ee doorashadii 2017-kii.
Doorashadii baarlamaanka iyo dowladaha hoose ee 2021, xisbiga Waddani wuxuu helay kuraasta ugu badan.
SONNA ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, uu "si kal iyo laab ah ugu hambalyeeyay Cirro, madaxweynaha cusub ee maamulka Somaliland ee waqooyiga Soomaaliya."
Mohamed Aw-Ali Abdi, oo ahaa ku-xigeenka Cirro, wuxuu noqon doonaa madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.
U Dhaarinta Xilka
Cirro iyo ku-xigeenkiisa waxaa la filayaa in la dhaariyo bisha Diseembar.
Somaliland, oo sheegtay inay madax-bannaan tahay tan iyo 1991, looma aqoonsana waddan rasmi ah, iyadoo beesha caalamka ay u aragto gobol ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.