Matxafka Colosseum-ka ee magaalada Rome oo lagu soo bandhigay dhaxalka qadiimiga ah ee Gobeklitepe ee Turkiga
Matxafka Colosseum-ka ee magaalada Rome oo lagu soo bandhigay dhaxalka qadiimiga ah ee Gobeklitepe ee Turkiga
Matxafka Colosseum-ka ee magaalada Rome ayaa lagu daahfuray bandhig ku saabsan Gobeklitepe, kaas oo muujinaya farshaxannada qadiimka ahaa ee macbadka ugu faca weyn dunida. Hawshan ayaa suurtagashay ka dib iskaashi muhiim ah oo dhexmaray Turkiga iyo Talyaaniga.
14 janvier 2025

Matxafka Colosseum-ka, oo ah astaanta caanka ah ee Rome, ayaa lagu daahfuray bandhigga Gobeklitepe, kaas oo lagu soo bandhigayo nuqullada saddex farshaxan oo dhagax ah oo laga keenay goobta qadiimiga ah ee 12,000 sano jirka ee Anatolia. Alaabtan ayaa la soo bandhigi doono muddo lix bilood ah.  

Munaasabaddan ayaa ah mashruuc wadajir ah oo ay ka wada qaybqaateen Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Turkiga, Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Safaaradda Turkiga ee Rome, Wasaaradda Dhaqanka ee Talyaaniga, Maamulka Colosseum Archaeological Park, Madasha Roman Forum, iyo shirkadda Duulimaadyada Turkish Airlines (THY).  

Bandhigga oo bilaabmay Khamiistii ayaa lagu soo bandhigayaa nuqulladn farshaxanka ah, iyadoo ay wehliyaan muuqaalada filimo lagu soo bandhigay Xarunta Soo dhaweynta Gobeklitepe, bandhig casriyeed dijitaal ah iyo tabbeelayaal xog gudbinaya.

Munaasabad furitaan ah oo lagu qabtay halkaas ayaa waxaa kasoo qayb galay Wasiir ku-xigeenka Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Turkiga, Gokhan Yazgi, iyo dhiggiisa Talyaaniga.  

Mudane Yazgi ayaa intii lagu guda jiray munaasabadda ka dhawaajiyey "Jawiga quruxda badan ee Colosseum-ka, oo qarniyo badan loo aqoonsanaa inuu yahay bartamaha dunida, ayaan kuugu soo bandhigaynaa taariikhda qotada dheer ee Gobeklitepe, goob ay ka dhaceen qaar ka mid ah dhacdooyinkii ugu muhiimsanaa ee nolosha bini’aadamka”.  

Bandhiggan oo socon doona ilaa 20-ka Abriil 2025, ayaa lagu martigeliyay dabaqa labaad ee matxafka caanka ah ee Colosseum-ka. Nuqullada iyo muuqaaladda tarjumaadda lagu laray ayaa si gaar ah dhacdadan loogu diyaariyey taasoo uu hirgeliyey Agaasinka Guud ee Hiddaha Dhaqanka iyo Matxafyada Turkiga.  

Shirkadda Duulimaadyada ee Turkish Airlines ayaa iyana si lacag la’aan ah alaabta ugu daabushay Rome.

Macbadka ugu faca weyn dunida  

Martida waxaa lagu soo dhaweeyay rooti laga soo sameeyay qamadi ka soo go’ay beeraha Gobeklitepe, sidoo kale macmacaanka Baklava-ha, macmacaanka kaleeto oo Turkish ah, iyo cuntooyin kala duwan oo isugu jira kuwa Turkiga iyo Talyaaniga.  

Macbadka Gobeklitepe, oo loo aqoonsaday inuu yahay macbadka ugu faca weyn dunida, ayaa lagu daray Liiska Dhaxalka Adduunka ee UNESCO sanadkii 2011-kii.  

Goobtan oo la helay 1963-kii intii lagu guda jiray cilmi-baaris wadajir ah oo ay sameeyeen Jaamacadaha Istanbul iyo Chicago, waxay ku taallaa gobolka Shanli-urfa (Şanlıurfa) waxayna soo jiidatay indhaha dalxiisayaal badan sanadihii u dambeeyay.  

Intaa waxaa dheer, ku dalxiisidda buufinta hawada kulul (hot air balloon) oo lagu soo kordhiyey goobta ayaa sii xoojisay waaya’aragnimada dalxiisayaasha, iyadoo bixinaysa aragti cusub oo ku saabsan wacdaradaan taariikhiga ah.

Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us