Taas ayaa ka dhigan in dadka reer Iiran ayaa dhowaan heli doonaan iPhone 14, 15, iyo 16 kaddib markii ay mas’uuliyiintu qaadeen xayiraaddii ay saareen noocyada cusub ee mobilada casriga ah ee shirkadda Apple ee Maraykanka, sida lagu sheegay war kasoo baxay dawladda Iiran.
Xayiraadda noocyada cusub ee iPhone ayaa dalka ka jirtay tan iyo 2023-dii, laakiin wasiirka isgaarsiinta dalka Iiran ayaa Arbacadii sheegay in mas’uuliyiintu ay hadda oggol yihiin in la diiwaangeliyo noocyada cusub ee mobilada Iphone-ka.
Wasiirka isgaarsiinta Iiran, Satar Hashemi, ayaa ku sheegay barta X(Twitter) inay xal u heleen dhibaatada diiwaangelinta noocyada cusub ee iPhone ee suuqyada Iiran, isagoo intaa raaciyey in madaxweynaha Iiran, Masoud Pezeshkian, uu taageeray dadaallada wasaaradda isgaarsiinta si loo fuliyo arrintaas. Hashemi ma faahfaahin waxa ku saabsan qaabka soo-dejinta laakiin wuxuu sheegay in tillaabooyinka soo dejinta la shaacin doono dhawaan.
Tan iyo markii xayiraaddu bilaabatay sanadkii 2023, waxaa suurtogal ahayd in la keeno iPhone 13 iyo noocayadii ka horreeya, iyadoo dad badan oo dhallinyaro ah ay iPhone u arkeen astaan lagu faano.
Intii ay xayiraaddu socotay, mobilada cusub ee iPhone 14, 15 iyo wixii ka dambeeya ee dalka la soo galiyo waxay ku joojin jireen adeegyada shabakadaha isgaarsiinta ee dowladda Iiran kaddib muddo bil ah, taasoo ah muddada loo oggolyahay booqdayaasha shisheeye ee dalka.
Alaab Qaaliga ah
Xayiraaddu waxay dhiirrigelisay dhaqaalaha hoos-socodka ah ee moobilada hore, taasoo sare u qaadday qiimaha qalabkan, maadaama dadku ay doorbidayeen in lacagtooda ku kaydsadaan waxyaabo aan qiimaha iska lumin. Tani waxay ka turjumaysaa xaaladda dhaqaale ee cakiran ee Iiran, oo ay sanado badan saameeyeen cunaqabateynta reer Galbeedka.
Soo dejinta iPhone-ka ayaa Iiran ka ahayd muran soo jireen ah — istatistikada dowladda ayaa muujinaysa in iPhone-yada ay ka ahaayeen qiyaastii saddex meelood meel (1/3) suuqa guud ee Iiran, oo gaaraya $4.4 bilyan ee la soo dejiyo telefoonada gacanta ka hor xayiraadda. Hoggaamiyaha sare ee Iiran, Ayatollah Ali Khamenei, ayaa sanadkii 2020-kii dhaliilay soo dejinta iPhone-ka, isagoo markii hore cambaareeyay dhammaan waxa uu ugu yeeray badeecooyinka raaxada(luxury goods) ee Maraykanku sameeyo.
“Soo-dejin xad-dhaaf ah waa wax khatar ah,” ayuu yiri Khamenei xilligaas, sida ku cad hadal uu ku daabacay boggiisa rasmiga ah: “Mararka qaar alaabtan la soo dejiyo waa alaab raaxo ah oo aan loo baahnayn. Waxaan maqlay in nus bilyan oo dollar lagu bixiyay in la soo dejiyo nooca telefoonnada raaxada ah ee Maraykan.”
Hase yeeshee, noocyada kale ee telefoonnada shisheeye sida Motorola, Samsung, Nokia, Xiaomi, iyo Huawei ayaa wali si ballaaran looga heli karaa gudaha Iiran.
Xigasho: TRTWorld iyo wakaaladaha