Tamarta nukliyeerku ma tahay jawaabta Google ee ‘raadinta’ tamarta nadiifka ah?
Tamarta nukliyeerku ma tahay jawaabta Google ee ‘raadinta’ tamarta nadiifka ah?
Muhiimadda ay shirkaddan tunka weyn ee tiknoolajiyada ay siinayno tamarta waarta ayaa ka tarjumaysa isbeddelka sii kordhaya ee shirkadaha waaweyn ee ku dadaalaya yoolkooda ah qiiqa saafiga ah ee cimilada.
vor 11 Stunden

Shirkadaha waaweyn ee tiknoolojiyada ayaa isticmaala xaddi koronto aad u badan, taasoo keentay baahi loo qabo xal tamar oo joogto ah oo aan wax u dhimayn bad-qabka cimilada.  

Haddaba, tartanka loogu jiro daboolidda baahiyaha tamarta ee sii kordhaysa, ayaa sababay in shirkadaha waaweyn ee tiknoolojiyada  ay si isa soo taraysa ugu soo jeestaan tamarta nukliyeerka iyagoo u arka xal macquul ah.  

Shirkadaha Amazon iyo Microsoft gadaashood, Google ayaa iyana haatan qiimeynaysa ilo tamar nukliyeer ah si ay ugu isticmaasho hawlgelinta xarumaheeda waaweyn ee xogta. Xarumahan oo awood badan geliya tiknoolojiyada garaadka macmalka ah (AI) iyo adeegyada kale ee ku saleysan xogta.  

“Google waxa ay ku dadaaleysaa helitaanka ilo tamar oo aan kaliya daboolin baahideeda xooggan ee tamarta, balse sidoo kale xaqiijineysa yoolkeeda ah in ay gaarto qiiqa saafiga ah,” ayuu maalintii Khamiistii yiri Sundar Pichai, oo ah madaxa fulinta Google.  

Pichai waxa uu dhowaan carrabka ku adkeeyay in maalgelinta AI ay si weyn u kordhisay baahiyaha tamar ee shirkadda.  

Sam Altman, madaxa fulinta ee OpenAI, ayaa arrintan sharaxay horraantii sannadkan, isagoo ka digay in isticmaalka tamarta ee AI uu horseedi karo dhibaato tamareed.  

Wuxuu tilmaamay in haddii aanan la helin ilo cusub, shabakadaha korontada caalamiga ah ay dhawaan wajihi karaan shuququr adag oo dhanka tamarta ah.  

Arrintan ayaa Google iyo shirkado kale ku qasabtay in ay sahamiyaan tamarta nukliyeerka oo noqon karta mid dabooli karta baahida baaxadda weyn ee tamareed ee joogtada ah.  

Qiiqa saafiga ah ee cimilada   

Bishii Luulyo, Google waxay dejisay yool hammi sare ah si ay  eber u gaarsiiso qiiqa waxyeeleeya cimilada (qiiqa saafiga ah) ee dhammaan hawlaheeda iyo silsiladda wax-soo-saarkeeda sanadka 2030.  

“Laga bilaabo 2023, ma sii wadi doonto dhexdhexaadnimada kaarboonka warshadeynta,” ayaa lagu yiri warbixintii ugu dambeysay ee shirkadda.  

In kasta oo guud ahaan xaddiga qiiqa sababa kulaylka meeraha ee shirkadda Google uu kordhay 48% marka la barbar dhigo 2019, taasoo ka tarjumaysa labanlaabida isticmaalka tamarta guud ee muddadaas.  

“Waxay ahayd yool aad u dhiirran,” ayuu Pichai ku sheegay wareysi saabsanaa yoolka qiiqa saafiga ah oo uu siiyay Nikkei, “welina waxaan si hammi sare leh uga shaqeyn doonaa arrintan. Si kastaba ha ahaatee, waxaa muuqata in maalgelinta garaadka macmalka ahi (AI) ay sii kordhisay baaxadda shaqada loo baahan yahay.”  

U wareegista tamarta nukliyeerka

Muhiimad siinta Google ee tamarta nukliyeerka waa uu ka qoto dheer yahay yoolalka horumarka waara.  

Shirkaddu waxa ay sanado badan sahamineysay xalka tamarta nadiifka ah sida tamarta dabaysha iyo qoraxda.  

Si kastaba ha ahaatee, maadaama tiknoolojiyada garaadka macmalka ahi (AI) ay sii kordheyso, ilaha tamarta dhaqameed ee la dabiiciga ahi keligood kuma filna daboolidda baahidaas tamareed.

Madaxa shirkadda Google ayaa sheegay in shirkaddu ay u aragtay curiyeyaasha leh qaabdhismeedka nukliyeerka ee yar-yar (SMRs) inay yihiin beddel la qaadan karo.  

“Waxaan hadda meelaynaynaa maalgelin dheeri ah, ha ahaato soolarka qoraxda, sidoo kalena waxaan qiimeyn ku wadnaa tiknoolojiyada sida curiyeyaasha leh qaabdhismeedka nukliyeerka ee yar-yar iwm.”  

Isagoo hadalkiisa sii wada ayuu yiri: “Waxaan arkaa lacag badan oo la gelinayo SMRs-ka si loo isticmaalo tamarta nukliyeerka”.  

SMRs waa unugyo ka yaryar kana dabacsan curiyeyaasha nukliyeerka waaweyn, taasoo ka dhigaysa kuwo ku habboon goobaha tamarta badan u baahan sida xarumaha xogta.  

Pichai ayaa mar uu bishii Sebtember hadal ka jeedinayey Jaamacadda Carnegie Mellon yiri: “Markaan eego raasamaalka iyo hal-abuurka la gelinayo [tamarta cusub], waxaa ii muuqata rajo weyn mustaqbalka dhexe ilaa kan fog” 

“Markii ugu horeysay taariikhdeena, waxaan leenahay hal tiknoolojiyad oo asaas ah,” ayuu Pichai sharaxay, isagoo tilmaamaya sida saameynta garaadka macmalka ah ay u qaabeysay istiraatiijiyadda tamarta shirkadda Google.  

Wuxuu sheegay in horumarkan ay shirkadda ku qasabtay in ay kordhiso maalgelinteeda ilo tamar oo dabooli kara baahida tamareed ee aadka u sareysa.  

Laakiin Google ma aha shirkadda kaliya ee hiigsanaysa qiiqa saafiga ah ee kaarboonka.  

Shirkadaha Amazon iyo Microsoft ayaa labaduba waxay heshiisyo waaweyn la saxiixdeen xarumaha nukliyeerka si ay u xoojiyaan taabbogelinta hawlahooda.

Horaantii sannadkan, Shirkadda Amazon waxay heshiis gaaraya $650 milyan oo doollar la gashay xarunta tamarta nukliyeerka ee Susquehanna, halka Shirkadda Microsoft ay la saxiixatay heshiis 20 sano ah warshadda nukliyeerka Three Mile Island ee ku taal Pennsylvania ee cariga mareykanka.  

Shirkadda Microsoft, iyadoo wali higsanaysa in ay noqoto mid ka takhalusta qiiqa kaarboonka taban sanadka 2030,  haddana waxa caddaatay in isticmaalka garaadka macmalka ah (AI) uu sababay kor u kac qiiqa kaarboonka xaddi 30% marka la barbar dhigo 2020-kii.  

Odoroska Mustaqbalka Soo Socda 

In kasta oo Mudane Pichai aanu wali cayimin goorta iyo goobta ay shirkadda Google ka bilaabi doonto isticmaalka tamarta nukliyeerka, haddana sahaminta shirkadda ee ilahaan tamarta ayaa muujinaysa isbeddel ballaaran oo ka dhex socda warshadaha tiknoolojiyada.  

Baahida tamarta ee qaybta garaadka macmalka ah (AI) ayaa gaartay heerar aan horay loo arag, maadaama nidaamyadan ay isticmaalaan tamar aad u badan si ay si hufan ugu shaqeeyaan.  

Ku tiirsanaanta xilligan ee tamarta la cusbooneysiin karo sida dabaysha iyo qoraxda ayaa laga yaabaa inaysan daboolin baahiyahan tamareed ee sii kordhaya.  

Tiknoolojiyada nukliyeerka oo leh awood ay ku dhaliso koronto joogto ah oo fara badan ayaa laga yaabaa in ay noqoto hab macquul ah oo ay dooran karaan shirkadaha tiknoolojiyada ee wajahaya caqabadahaas oo kale.  

XIGASHO: TRT World


Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us