Isbarashadii Kowaad
Waxaan markii ugu horreysay Caa’isha-Nuur Ezgi Eygi ku kulannay bishii May ee la soo dhaafay xero arday oo ku taalla dalka Maraykanka, jaamacadda Waashitoon dhexdeeda. Waxaannu halkaas u joogney taageerada iyo garab-istaagga Falastiin annagoo ka soo horjeedna xasuuqa Israa’iil ee ka socda Gaza, Xilligaas Caa’isha waxay ahayd mid hormuud u ah dhaqdhaqaaqa ardayda.
Gabadhan dhallinyarada ah ee Turki-Mareykanka ah waxay ahayd mid ku dhiirranayd si ay u raadiso caddaaladda reer Falastiin iyo arrimo badan oo kale intii ay ku jirtay nolosha jaamacadda iyo wixii ka dambeeyeyba. Nolosha ayaa isu kaaya keentay annaga oo halgan ugu jirna xornimada dadka reer Falastiin; Caa’isha waxaan ku bartay in ay ahayd qof aad u dun wanaagsan, naxariis badan, dabeecad iyo hoggaamin wanaagsan geesiyad na ah. 26-jirkani waxay ahayd qof ku sifaday furfurnaan oo bulshaawiyad ah, asxaab badan, had iyo jeerna dhoollacaddeysa oo leh karti iyo aragti togan.
Caa’isha waxa ay had iyo goor u heellanayd inay dadka kale garab istaagto oo ay hubiso xaaladda asxaabteeda - noloshooda iyo haddii ay u baahan yihiin wax caawimaad ah, xitaa haddii ay mashquulsan tahay oo ay hawlo kale ku dhex jirto.
Sinnaan Ina Wada Deeqda
Caa’isha astaameheedii ugu doorka roonaa ee aan ku xasuuto waxaa ka mid ahaa; dedaalkeedii layaabka lahaa ee ay u lahayd arrimaha bulshada. Waxay isku dheellitiri jirtay qosolkeeda, iyadoo isku dayeysa inay dadka farxad geliso. Balse sidoo kale waxay lahayd dhinac dhab ah markay timaaddo firfircoonideeda.
Wacyigeeda bulsho inta badan waxa uu daarnaa inay wakhti badan ku bixiso abaabulka. Caa’isha waxay aad u jeclayd Falastiin, Waxay door muhiim ah ka qaadatay qorsheynta iyo isku dubbaridka xeryaha jaamacadda - iyada oo la kaashanaysa ardayda iyo maamulka jaamacadda.
Waxa ay arrinkaas ka mirodhalisay iyada oo ku gudojirta waxbarashadeeda isla mar ahaantaasna ku hawlan diyaarinta imtixaanaadka si ay u hesho darajooyin fiican oo ay ugu dambayn kaga qalin-beddalato Jaamacadda Washington.
Caa’isha waxay ahayd qof rumaysan in caddaaladdu aysan ku koobnayn u halganka arrinta Falastiin oo keliya, laakiin ay ku jirto in ay u dooddo sinnaanta dhammaan dadka. Safarkeedii ahaa in ay noqoto halyeey dhallinyaro si ay u kobciso wacyigeeda bulsheed, taasina waxa ay ku riixday inay u safarto dibadda. Laba sano ka hor, waxay u safartay Myanmar si ay ugu kuur-gasho xasuuqa ka dhanka ah dadka Rohingya ee Koonfur-bari Aasiya.
Gudaha Mareykanka, magaalada Seattle oo ay ku kortay tan iyo markii ay ka tagtay magaalada Antalya ee Turkiga iyadoo da’yar, Caa’isha waxa ay u ololayn jirtay oo ay ka qayb qaadatay hawlgallada caddaaladda jinsiyadda, oo ay ka mid ahayd dhaqdhaqaaqii la magac baxay Nolosha Madowgu Waa Muhiim (BLM) iyo kuwo kale.
Caa’isha waxay ahayd qof aad u daacad ah; waxay had iyo jeer wax u qaban jirtay si hufan oo qotodheer, iyadoon qiimeyn kharashka ka dhasha. Waxaan xasuustaa sida ay u jeclayd nolosha iyo sida ay ula dhacsanayd inay sii waddo waxbarashadeeda iyo inay booqato Daanta Galbeed ee la haysto.
Booqashadii Daanta Galbeed
Caa’isha si wayn ayey ugu faraxsanayd inay halkaas tagto, si ay indhaheeda ugu soo aragto xaqiiqada dhabta ah ee ka jirtay dhulka, xaqiiqada dhabta ah ee Falastiiniyiinta oo kala kulmay culaysyo qabsashadii arxandarrada militariga tan iyo 1967 ee Daanta Galbeed iyo xasuuqii isir baabi’inta ee xigay.
Tan iyo intii weerarkii Israa’iil ee Falastiiniyiinta uu sii xoogeystay bishii Oktoobar ee la soo dhaafay, militariga ayaa dilay in ka badan 41,000 oo qof oo u badan haween iyo carruur. Halka Daanta Galbeed ee la haystona, Israa’iil ay ku dishay ku dhawaad 700 oo qof ayna ku dhaawacday in ka badan 5,700 oo kale.
Wakhtigaas isaga ahaa, inta badan kolka aannu farriimaha is weydaarsanayno, Caa’isha waxay iiga xog warrami jirtey walaaca aabaheed iyo qaar ka mid ah macalimiinteeda jaamacadda oo ku aaddanaa joogitaankeeda halkaas.
Laakiin waxay ku adkaysatay go'aanka ay qaadatay. Caa’isha waxay weli dooneysaa inay aaddo Daanta Galbeed ee la haysto si ay u taageerto kooxaha Falastiiniyiinta ee iska caabinta qabsashada gumaystaha, si ay uga marag kacdo waxa dhacaya oo ay u soo noqoto iyada oo xambaarsan xogo, si ay ugu gudbiso farriintaas adduunka – farriintan oo inta badan la xakameeyo.
Caa’isha waa ay garawsanayd in arrintani halis tahay, waxa Caa’isha u bareertay in ay halkaas tagto si ay raad ugu reebto oo ay garab istaagto dadka reer Falastiin ee la kulma xasuuqa iyadoo dunidu aanay waxba ka qaban farahana ka laabatay arrinka Gaza.
Sababta ay halkaas u tagtay, iyada oo ay weheliyaan nabadoonno kale oo ka socda Dhaqdhaqaaqa Wadajirka Caalamiga ah (ISM), waxay ahayd inay sii wadaan faafinta farriinta iyo daah kaqaadista xaqiiqada dhabta ah ee gumeysiga Israa’iil iyo naxariis darrada adduunka. Wicitaankii ugu dambeeyey ee aan taleefanka ku wada hadalnay Caa’isho waxa uu ahaa dhowr saacadood ka hor intaan la dilin. Waxaan wada hadlaynay in ka badan laba saacadood.
Xilligaas, waxaan dareemay in Caa’isha dhab ahaan ka hadlayso waaya-aragnimadeeda qalbitaabadka ahayd. Waxay ii sheegtay sida uu wax liita u yahay gumaysigu, iyo sida ay u adag tahay in lagu hoos noolaado – waa xaqiiqo ay Falastiiniyiinta aniga iyo qoyskayga oo kale ah la nool yihiin. Hadda ka hor ayaa laygu xiray halkaas, walaalkayna waxaa xiray ciidamo dharcad ah, aabbahay ayaa sidoo kale lug laga toogtay.
Nolosha Gumaysiga
Guud ahaan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed iyo illaa magaalada barakeysan ee Quddus, kolka aad maraysid isbaarooyinka, waxaad si toos ah u wajahaysaa midab-takoorka iyo khatarta uu leeyahay.
Falastiiniyiinta ayaa inta badan la toogtaa loona dilaa sabab la’aan iyaga oo aan waxba galabsan. Asxaabteyda reer Falastiin ee halkaas joogta ayaa la kulma tacaddiyo iyaga ama martidooda, waxaana laga hor istaagaa inay galaan ama ka baxaan goobaha bulshadooda. Qaar badan oo iyaga ka mid ah ayaa sidoo kale ay la istaajiyaa oo sugitaan la geliyaa saacado badan si caddaalad darro ah.
Intii aan wada hadlaynay, Caa’isha waxay ila wadaagtay sheekooyinkii ay ka maqashay dadka deegaanka iyo dhammaan dhibaatooyinka uu sababay gumaystuhu.
Waxaan sidoo kale ka wada hadalnay waayo-aragnimadeedii Qudus iyo sida ciidamada Israa’iil uga hor istaageen inay gasho Masjidka Al-Aqsa ee taariikhiga ah.
Waxay sidoo kale la kulantay naxariis-darrada maalinlaha ah ee gumaystaha, waana xaqiiqo ay la noolyihiin Falastiiniyiintu. Waxay ii sheegtay sida ay Israa’iiliyiintu baasaboorkeeda uga qaateen xuduudda, taasoo ku qaadatay sugitaan dheer sidoo kale waxaa su’aalo laga weyddiinayey faahfaahinta safarkeeda, ka hor intaan ugu dambayn loo ogolaan.
Waa inaannu xasuusannaa Caa’isha, oo aheyd qof u noolaa caddaaladda iyo xornimada Falastiin illaa dhimashadeedii. Annagu ma illaawi doonno. Dunidu marnaba ma illaawi doonto, waxaanuna sii wadi doonnaa halganka illaa gumaysigu dhammaado
Arrinta ugu muhiimsan ee ay ka hadashay waxay ahayd dhibaatada dadka gumaysiga ku hoos nool, inkasta oo ay halkaas joogtay maalmo yar oo keliya.
Dhaxalka
Ka hor dhimashadeedii murugada lahayd, Caa’isha waxay lahayd qorshe. Waxay la kulmi lahayd qoyskeyga magaalada Xebron laba maalmood kadib, laakiin taasi ma dhicin.
Waa inaannu xasuusannaa Caa’isha, oo aheyd qof u noolaa caddaaladda iyo xornimada Falastiin illaa dhimashadeedii. Annagu ma illaawi doonno. Dunidu marnaba ma illaawi doonto, waxaanuna sii wadi doonnaa halganka illaa gumaysigu dhammaado.
Mar walba waan sii wadeynaa waddadii ay furtay iyo fidinta farriinteedii caddaaladda iyo sinnaanta ku salaysnayd illaa adduunku uu is beddelo.
Dhaxalka Caa’isha rabtay wax uu ahaa inay dadkeeda isu keento. Xusuusteeda awgeed, abaabulayaasha bulshada iyo kooxaha cadaaladda ayaa u isku imaan doona, iyaga oo ka shidaal qaadanaya awooddeeda iyo damiirkeeda, si ay uga wada shaqeeyaan isbeddelka ay Caa'isha ogayd inuu adag yahay laakiin had iyo jeer doonaysay inay u dagaallanto in la gaaro.
XIGASHO: TRT World
Qalinkii: Saif Sharabati