Wasiirka Arrimaha Dibadda Turkiga, Hakan Fidan, ayaa magaalada Doha kula kulmay Guddoomiyaha Golaha Shuurada Xamaas, Muhammad Darwish Ismail, iyo xubno kale oo ka tirsan xafiiska siyaasadda ee kooxda, sida ay sheegtay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Turkiga.
Kulanka oo dhacay Axaddii ayaa diiradda lagu saaray arrimaha la xiriira xabbad-joojinta iyo xaaladda bani'aadannimo ee marinka Qaza, sida lagu sheegay bayaan lasoo dhigay barta X (Twitter).
29-kii Janaayo, Madaxweynaha Türkiye, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sidoo kale Ankara kula kulmay Muhammad Darwish Ismail, isagoo rajo ka muujiyay guusha wajiyada labaad iyo saddexaad ee xabbad-joojinta, taasoo ugu dambeyn horseedi karta:
Erdogan ayaa rajo ka muujiyay in si guul ah loo dhammeeyo wajiyada labaad iyo saddexaad ee xabbad joojinta, taasoo ugu dambeyntii horseedi doonta in ciidamada Israa’iil ay si buuxda uga baxaan Qaza oo ay dib u dhis ku bilaabaan.
Fidan wuxuu Axaddii bilaabay booqasho laba maalmood ah oo uu ku tagay Doha, halkaas oo uu horey ula kulmay dhiggiisa Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman Al Thani. Labada wasiir ayaa qabtay shir jaraa’id oo wadajir ah, iyagoo ka hadlay xaaladda gobolka.
Xabbad joojinta socota ee lixda toddobaad ah ayaa ah qaybtii ugu horreysay ee heshiis saddex heer ah oo si joogto ah u soo afjari kara dagaalka Israa’iil ee Qaza. Dagaalkan oo socday muddo 15 bilood ah ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 47,000 oo falastiiniyiin ah, waxaana uu burburiyay Qaza.
XIGASHO: AA