W/Q: AHMET YUSUF OZDEMIR
Bishii Diiseembar 2024, Ankara waxay marti gelisay shir taariikhi ah oo ay yeesheen laba dal oo muhiim ah oo ka tirsan Geeska Afrika, waa Soomaaliya iyo Itoobiya. Labadan waddan ayaa muddo ku dhow soddon sano lahaa xiriir diblomaasiyadeed oo qalafsan oo mararka qaar sii xumaanayey.
Heshiiskan oo ahdib-u-heshiisiin taariikhiya oo Turkigu dhex-dhexaadiyey wuxuu horumar weyn ka sameeyey xalinta khilaafaadka, isagoo Ankara ka dhigay kaalin gaar ah marka loo eego quwadaha kale ee caalamka sida Mareykanka, Shiinaha, iyo Midowga Yurub.
Qaabka Gaarka ah ee Turkiga
Geeska Afrika, gaar ahaan Soomaaliya, waxaa lagu yaqaan in wadamada waaweyn ay inta badan maalgeliyaan gargaar bini'aadantinimo iyo ciidamo si loola dagaallamo Al-Shabaab. Si kastaba ha ahaatee, waxay noqotay mid cad in aan la xallin karin khilaafka Soomaaliya,haddii marka hore aan la xalin xiriirka kala dhexeeya Itoobiya.
Waa halka ay kaga duwan tahay diblomaasiyadda Turkigu dalalka kale. Turkiga wuxuu ka duulayaa mabda’ ah in inta uu colaad ka dhex taagan yahay labada dal, aysan jiri doonin xal waara oo lagu soo afjari karo qalalaasaha gobolka.
Sida laga soo xigtay warbixin uu daabacay Geneva Academy, Afrika waxay gashay kaalinta labaad ee ugu badan dagaallada hubeysan marka la barbardhigo Bariga Dhexe. Waxaa ka socda in ka badan 35 dagaal oo hubeysan, kuwaas oo intooda badan ah khilaafaadyo aan caalami ahayn sida kuwa ka socda Burkina Faso, Cameroon, Jamhuuriyadda Afrikada Dhexe, DR Congo, Itoobiya, Mali, Mozambique, Nigeria, Senegal, Soomaaliya, Koonfurta Suudaan, iyo Suudaan.
Dagaalladan waxaa ku lug leh kooxo hubeysan oo la dagaallamaya ciidamada dowladaha ama isku haya dhul iyo dan gaar ah. Inta badan wadamada reer Galbeedka iyo deriska ay la wadaagaan dalalka dagaalku ka socda ayaa si toos ah ama dadban ugu lug yeeshay colaadaha.
Si la mid ah dagaallada sokeeye ee ka dhacay Kolombiya, Filibiin iyo Afghanistan, khilaafaadka Afrika waxaa ku yar kuwo lagu dhammeeyo wadahadal nabadeed iyo heshiisyo rasmi ah. Si kastaba ha ahaatee, heshiiska Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa tusaale u noqon kara isbeddel lagu sameeyo sida colaadaha Afrika loo xalliyo.
Bayaanka Ankara wuxuu dhigaya in labada dal ay bilaabaan wada-hadallo aan ka dambeyn bisha Febraayo 2025, iyadoo ay sii wadi doonto dhexdhexaadinta Turkiga, lana filayo in heshiis kama dambeys ah la saxiixo afar bilood gudahood.
Soomaaliya iyo Caqabadaha Ammaanka
Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka ugu nugul Geeska Afrika, iyadoo Al-Shabaab ay door weyn ku leedahay colaadaha gobolka. Isla markaana, joogitaanka hay’ado badan oo caalami ah sida Hawlgalka Taageerada Midowga Afrika ee Soomaaliya (AUSSOM) iyo Hawlgalka Kaalmaynta KMG ee Qaramada Midoobay (UNTMIS) ayaa uga dhigaya xaaladda mid la mid ah xiriirkii Mareykanka iyo Taliban ee Afghanistan.
Soomaaliya waxay ka mid tahay meelaha ugu xasaasisan nidaamka caalamiga ah ee dagaalka qabow ka dib. Kadib burburkii xukunkii Maxamed Siyaad Barre ee 1991, waddanku wuxuu galay dagaallo qabiil iyo mid ka dhexeeyey hoggaamiye kooxeedyo dhul kala qabsanaya.
Waxaa xusid mudan in Midowga Afrika iyo Mareykanka ay farageliyeen dagaallada Soomaaliya 1992, balse faragelintaas waxay abuurtay dhibaatooyin kale, iyadoo aan la dhisin habab cadaalad iyo dib-u-heshiisiin waara lagu gaari karo.
Waxaan aragnay in markasta oo wadamo shisheeye farageliyaan colaadaha, aysan qaadan doorkii dib-u-heshiisiinta. Taasina waxay sii xoojisay in kooxo cusub oo hubeysan ay ka faa'iideystaan maqnaanshaha awood dowladeed.
Maqnaanshaha awood dowladeed iyo Dib-u-Heshiisiinta
Ka dib markii ay Mareykanka iyo Qaramada Midoobay ka baxeen Soomaaliya bartamihii sagaashamaadkii, waxaa soo baxday maqnaansho awoodeed oo ay buuxiyeen dawlad-goboleedyo iyo kooxo hubeysan. Itoobiya waxay si gaar ah u noqotay mid saameyn badan leh, iyadoo laga soo bilaabo 1996 ay bilowday weeraro xuduudka ah, si ay u xakamayso xasillooni-darrada Soomaaliya.
Sanadkii 2006, Midowga Maxaakiimta Islaamiga ah (ICU) waxay ku guuleysteen inay ka adkaadaan hogaamiye kooxeedyadii, taasoo keentay in Itoobiya ay si toos ah u farageliso Soomaaliya. Ciidanka Itoobiya oo taageero ka helaya Mareykanka, Uganda, iyo AMISOM, waxay Soomaaliya xukumayeen ilaa 2009.
Laakiin Isla sanadkaas, Al-Shabaab waxay fursad ka heshay ka bixitaankii Itoobiya, waxayna gacanta ku dhigtay koonfurta Soomaaliya, taasoo sii kordhisay colaadda gobolka.
Waxaa xusid mudan in dagaalka Al-Shabaab uu socday 18 sano, iyadoo kooxdu ay dagaal ku qaaday Soomaaliya, Kenya, iyo Itoobiya. Waxaa la rumeysan yahay in canshuuraha sharci-darrada ah, dagaallada beelaha, awood yarida ciidamada dowladda, iyo jiritaanka goobo ammaan u ah ay ka mid yihiin sababaha Al-Shabaab u suuragelisay inay sii jirto.
Bayaanka Ankara iyo Saamayntiisa Mustaqbalka
Bayaanka Ankara wuxuu gogol-xaar u yahay wadahadallo kale oo mustaqbalka lagu xoojinayo dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaab, maadaama labadan dal ay si toos ah ugu waxyeeloobeen dagaalka kooxdaas.
Bayaan rasmi ah oo ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Turkiga ayaa lagu yiri:
"Labada dal waxay ku heshiiyeen inay iska iloobaan khilaafaadkii hore iyo arrimaha muranka dhaliyay, ayna si wadajir ah u horumariyaan iskaashi lagu gaari karo barwaaqo wadaag."
Nabad waarta waxaa lagu gaari karaa kaliya iyadoo la adeegsanayo xal guud oo dhammaan dhinacyadu ay qeyb ka yihiin, halkii ay hal dal oo kaliya dedaal sameyn lahaa. Iskaashiga la xiriira sirdoonka, xog-wadaagga, iyo wada shaqaynta amniga ayaa muhiim u ah daminta colaadaha gobolka.
Tani waxay ahayd mid ka mid ah khaladaadkii ugu weynaa ee Mareykanka uu ka galay heshiiskii Taliban ee Afghanistan. Inkastoo Mareykanka uu la shaqeynayay isbahaysi caalami ah tan iyo 2001, haddana ma uusan suurtagelin nabad waarta oo ay dhammaan dhinacyadu ka faa’iidaystaan.
Si taas liddi ku ah, Turkiga wuxuu isku howlay sidii uu xal u heli lahaa, isagoo u ogolaaday labada dhinac ee iska soo horjeeda inay miiska wada xaajoodka isugu yimaadaan. Waxaa la dhihi karaa, Ankara waxay hirgelisay nooc diblomaasiyadeed oo Geeska Afrika uu muddo dheer sugayay.
XIGASHO: TRT WORLD