Madaxweynaha cusub ee kumeel-gaarka ah ee Suuriya, Ahmed al Sharaa, ayaa sheegay inuu dhisi doono xukuumad wadaag ah oo ay ka dhex muuqdaan dhammaan bulshooyinka kala duwan ee dalka, taasoo dhisi doonta hay’adaha dowladda islamarkaana maamuli doonta dalka illaa inta laga qabanayo doorashooyin xor ah oo caddaalad ah.
Sharaa wuxuu shacabka la hadlay Arbacadii, tan iyo markii loo magacaabay madaxweynaha kumeel-gaarka ah, kadib markii kooxaha mucaaradka hubeysan ay bishii Diseembar ee sanadkii hore si degdeg ah xilka uga tuureen hogaamiyihii hore Bashar al Assad.
Sharaa wuxuu khudbaddiisa ku sheegay inuu dhisi doono gole sharci-dejin yar oo buuxiya kaalinta baarlamaankii la kala diray Arbacadii, illaa inta laga gaarayo doorashooyin cusub.
Wuxuu intaas ku daray inuu dhowaan magacaabi doono guddiga qabanqaabinaya shir wadatashi qaran, si shacabka Suuriya ay uga wada hadlaan barnaamijka siyaasadeed ee mustaqbalka dalka.
Kadib shirkaas, wuxuu sheegay in lasoo saari doono "bayaanka dastuuriga ah," taasoo u muuqata tallaabada lagu dhisi doono dastuur cusub oo rasmi ah.
Sharaa horey wuxuu u sheegay in diyaarinta dastuur cusub iyo qabashada doorashooyin laga yaabo inay qaadato afar sano.
Madaxweynaha cusub wuxuu sidoo kale ballan qaaday inuu ilaalin doono xasilloonida rayidka iyo midnimada dhuleed ee dalka, iyadoo hal maamul oo kaliya uu hoggaaminayo dowladda cusub.
"Waxaan daba-gal ku sameyn doonnaa dambiilayaashii daadisay dhiigga shacabka Suuriya iyo kuwii xasuuqa iyo dambiyada ka geystay dalka iyo dibaddiisa," ayuu yiri Sharaa, isagoo ballanqaaday in la dhisi doono cadaaladda kala-guurka ah (transitional justice).
Amiirka Qatar Oo Booqday Dimishiq
Khudbadda Sharaa waxay timid kadib markii uu la kulmay Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, oo booqasho rasmi ah ku tagay caasimadda Suuriya, Dimishiq. Intii uu kulanku socday, Amiirka Qatar wuxuu mar kale xaqiijiyay in Doha ay taageerayso shacabka Suuriya dadaalkooda la xiriira midnimada, cadaaladda, iyo xorriyadda.
Hadalka Sharaa wuxuu sidoo kale ku beegmay hal maalin kadib markii Suuriya ay ku dhawaaqday guusha "kacdoonka weyn ee Suuriya" oo billowday sanadkii 2011, isla markaana dowladda cusub ay shaacisay in maalinta qaran (National Day) loo dabaal-degi doono 8-da Diseembar, halkii ay horay uga ahayd 17-ka Abriil.
Dagaalkii sokeeye ee Suuriya wuxuu billowday markii Bashar al Assad uu xoog u adeegsaday dibadbaxyadii nabadeed ee mucaaradka sanadkii 2011. Colaaddaasi waxay dishay in ka badan 500,000 oo qof, halka malaayiin kale ay ku barakaceen gudaha iyo dibadda dalka.
Bashar al Assad, oo Suuriya xukumayay ku dhawaad 25 sano, wuxuu u qaxay Russia kadib markii kooxaha mucaaradka hubeysan ay 8-dii Diseembar 2024 la wareegeen caasimadda Dimishiq, taasoo soo afjartay maamulkii Xisbiga Baath, oo Suuriya xukumayay tan iyo 1963.
XIGASHO: TRTWorld iyo Wakaaladaha Wararka