Adidas waxay dhawaan ka joojisay Bella Hadid inay ka qayb qaadato olole cusub oo loogu talagalay kabaha shirkadda, iyadoo ka saartay sawirradii ay ku xayeysiinaysay ololaha, taasoo u hoggaansamaysa cadaadiska dowladda Israa’iil iyo kooxaha taageersan Israa’iil ee ku sugan Maraykanka.
Hadid waa qof si cad uga soo horjeeda gumeysiga Israa’iil ee dhulka Falastiin, waxayna si joogto ah uga hadashaa dilka shacabka aan waxba galabsan ee Qasa, oo ah goob dagaal oo Israa’iil ay ku wado duqeymo, kuwaas oo ay ku dhinteen in ka badan 39,000 oo qof.
Ololaha xayeysiinta, oo lagu soo bandhigay boorar waaweyn oo ku yaalla dhismayaasha magaalada New York iyo akoonnada baraha bulshada ee shirkadda kabaha, waxaa sawirrada ku jiray moodellada Falastiin-Ameerikaanka ah ee Bella Hadid oo xiran noocyada cusub ee kabaha Adidas SL72.
Labada xabbo ee asalka ah ee kabahan, oo qayb ka ah taxanaha ‘SL’ (Super Light), waxaa loo sameeyay si ay u noqdaan kuwo fudud oo loogu talagalay ciyaartooyda inta lagu guda jiray cayaaraha Olombikada ee Munich 1972.
Intii lagu guda jiray cayaaraha waaweyn ee ka dhacay Jarmalka Galbeed, koox Falastiiniyiin ah oo lagu magacaabo Black September ayaa weerar ku qaaday qolalka ay deganaayeen kooxda Israa’iil, arrintaas oo horseeday israsaaseyn dhexmartay booliiska iyo kooxda weerarka, taas oo sababtay dhimashada 11 qof oo Israa’iil ah. Shan qof oo Falastiiniyiin ah iyo hal sarkaal Jarmal ah ayaa sidoo kale ku dhintay dhacdadaas.
Dhinaca kale, dhaleeceeyayaasha Israa’iil ayaa si degdeg ah u tilmaamay taariikhda kabahaas, iyagoo ku andacoonaya in doorashada Adidas ee Bella Hadid inay noqoto wakiilka ololaha ay tahay mid ka dhan ah Yuhuudda, isla markaana "loo qaadan karo mid ula kac ah," taasoo xidhiidh lagala sameeyay aragtida Bella ee ku aaddan dagaalka burburka badan ee Israa’iil ay ku waddo Qasa.
Bella Hadid oo Noqotay Bartilmaameed Joogto Ah
Maaha markii ugu horreysay ee moodellada caanka ah lagu eedeeyo nacaybka Yuhuudda.
Sanadkii 2021, markii Hadid ay ku biirtay heesta “Laga bilaabo webiga ilaa badda, Falastiin waa xoroobaysaa” intii ay ku jirtay Instagram Live, xisaabta rasmiga ah ee Israa’iil ee X (oo hore loogu yaqaanay Twitter) ayaa ku eedaysay inay taageereyso in "Yuhuudda lagu tuuro badda".
“Marka dad caana sida Bella Hadid ay taageeraan in Yuhuudda lagu tuuro badda, waxay taageerayaan in la tirtiro gobolka Yuhuudda,” ayaa lagu yiri qoraalkaas.
Kadib muranka ku saabsan xayeysiinta kabaha, isla xisaabtaas ayaa ku sifaysay Hadid inay tahay “gabar moodal ah oo kala badh Falastiini ah oo horey taariikh ugu leh faafinta nacaybka Yuhuudda iyo ku baaqidda rabshado ka dhan ah Israa’iil iyo Yuhuudda”. Qoraalka Israa’iil ayaa intaa ku daray, “Iyadu iyo aabaheed waxay si joogto ah u faafiyaan been abuur dhiig iyo khiyaanooyinka ka dhanka ah Yuhuudda,” iyagoo sidoo kale calaamadeeyey shirkadda Adidas su’aalna ku weydiiyey.
Bella Hadid sidoo kale waxay bartilmaameed u noqotay hay’adaha taageera Israa’iil.
“Inay soo bandhigto kabo xusuusinaya cayaaraha Olombikada oo dhiig badan oo Yuhuud ahi ku daatay waa wax xun,” ayuu yiri Sacha Roytman, madaxa fulinta ee Ururka Dagaalka ka dhanka ah Nacaybka Yuhuudda.
Taariikhda Naasiyiinta ee Adidas
Si kastaba ha ahaatee, taariikhda mugdiga ah ee shirkadda kabaha caanka ah waa mid si fiican loo diiwaangeliyay, gaar ahaan xiriirkeeda xisbiga Naasiyiinta ee Hitler.
Ciyaartooy badan oo Jarmal ah ayaa xidhnaa kabaha Dassler ee Adidas intii lagu jiray cayaaraha Olombikada ee Berlin 1936, oo ay abaabushay xukuumadda Naasiyiinta ee Hitler, si adduunka loogu muujiyo awoodda sare ee ciyaaraha dadka Aryan.
Xilligaas, labada walaalaha ah ee shirkadda aasaasay, Adi iyo Rudi Dassler, waxay labadooduba xubin ka ahaayeen xisbiga Naasiyiinta, iyagoo ku saxiixi jiray waraaqahooda ereyga “Heil Hitler,” sida lagu sheegay buugga “Sneaker Wars” ee ay qortay Barbara Smit, oo uu soo xigtay Time Magazine.
Intii lagu jiray Dagaalkii Labaad ee Adduunka, walaalaha Dassler waxay joojiyeen soo saarista kabahooda, iyagoo warshaddooda u beddelay mid soo saarta Panzerchreck (Lidka taangi) – oo ah hub ka-hortag gaadiidka dagaalka ee loogu talagalay in lagu burburiyo taangiyada Isbahaysiga.
Adidas illaa hadda kama aysan hadlin xiriirkoodii hore ee xisbiga Naasiyiinta. Bogga rasmiga ah ee shirkadda, qaybta ku saabsan taariikhda Adidas kama soo hadasho wixii dhacay ka hor 1949-kii, sanadkaas oo ay shirkaddu si rasmi ah u bilaabatay.
Khasaare Xooggan oo La Xiriira Kanye West
Xiriirka shirkadda caalamiga ah ee Adidas la lahayd Naasiyiinta Jarmalka ayaa mar kale aad loo baadhay sanadkii 2022, kadib markii ay joojisay iskaashigii ay la lahayd heesaaga caanka ah Kanye West, oo hadda loo yaqaan Ye, kadib markii lagu eedeeyay hadallo ka dhan ah Yuhuudda, eeddaas oo uu qirtay. West ayaa cambaareyn xooggan wajahay kadib markii uu ku qoray X (hore Twitter), bishii Oktoobar 2022, hadalka “Waxaan u socdaa death con 3 Yuhuudda... idinku waxaad iigu ciyaarteen wax kasta oo suurto gal ah si aad u tirtirtaan qof kasta oo ka soo horjeeda qorshihiinna.”
Adidas ayaa sheegtay in go’aanka ay ku joojisay xiriirkii kala dhexeeyay West uu shirkadda ku kacay $246 milyan rubucii ugu horreeyay ee sanadkaas, iyadoo dakhligeedii guud hoos u dhacay boqolkiiba 1.
Bishii Maarso 2024, Adidas waxay ku dhawaaqday inay ku deeqday ama qorsheyneyso inay ku wareejiso in ka badan $150 milyan kooxaha la dagaallama nacaybka Yuhuudda, lacagtaas oo laga keenay iibinta kabaha Yeezy ee markii hore la xannibay ee uu naqshadeeyay Kanye West.
Si kastaba ha ahaatee, dhaleeceeyayaal qaar ayaa ku tilmaamay falcelinta shirkadda "mid gaabis ah," iyagoo xusay in tallaabadan la qaaday laba toddobaad kadib markii muranku soo baxay.
Ka falcelinta ololaha Bella Hadid
Markii ololaha xayeysiinta ee Bella Hadid la soo bandhigay, waxaa si weyn loogu eedeeyay Adidas inay aysan "ka baran khaladaadkii hore," halka kuwo kale ay ku andacoonayeen in ololahaasi ahaa "mid si aad u qorsheysan loogu talo galay oo ka dhan ah Yuhuudda, ilaa heer ay adag tahay in loo arko qalad aan ula kac ahayn."
Sida lagu soo waramay, Hadid waxay qareenno u dirtay inay dacwad ku soo oogto Adidas, iyadoo ku eedaysay shirkadda inay hogaamineyso "olole xun oo dhaawac u geystay sumcadeeda." Sida laga soo xigtay ilo wareedyo ay soo bandhigtay shabakadda madadaalada ee Maraykanka, TMZ, Hadid ayaa sheegtay in shirkadda ay "ku kacday olole xun oo dhibaato leh."
Adidas, oo ka jawaabaysa dhaleeceynta loo jeediyay ololaha xayeysiinta, waxay sheegtay inay "khalad aan ula kac ahayn samaysay."
“Waxaan ognahay in xiriirro lala sameeyay dhacdooyin taariikhi ah oo murugo leh — in kastoo ay si buuxda u ahaayeen kuwo aan ula kac ahayn — waana ka xunnahay dhibka iyo walbahaarka ay keeneen,” ayay shirkaddu ku tiri war-saxaafadeed ay ku dhawaaqday inay "dib u eegis ku sameyneyso inta ka dhiman ololaha."
“Waxaan sidoo kale raalli gelin ka bixineynaa lammaaneheenna, Bella Hadid, A$AP Nast, Jules Koundé, iyo kuwa kale, dhibka taban ee ku soo gaaray, waana dib u eegi doonnaa ololaha,” ayay shirkaddu ku soo gabagabaysay bayaanka.
Dowlad Lagu Eedeeyay Xasuuq
Muranka ku saabsan xayeysiinta Bella Hadid ayaa yimid waqti Israa’iil lagu eedeeyay xasuuq maxkamadda caalamiga ah ee cadaaladda (ICJ).
Hadallada ay jeedinayeen mas’uuliyiinta Israa’iil intii lagu jiray dagaalka ba’an ee ay ku hayeen Qasa ayaa tusaale u ah dabargoynta qowmiyadeed. Hadalladan waxay kasoo baxay qaar ka mid ah go’aamiyeyaasha Israa’iil, oo ay ku jiraan Madaxweynaha Isaac Herzog, Ra’iisul Wasaare Benjamin Netanyahu, iyo wasiirro kale oo ka tirsan xukuumadda midigta fog.
9-ka Oktoobar, laba maalmood kadib markii Israa’iil ay dagaalka ku qaaday Qasa kaddib weerarkii Xamaas ee ka gudbay xadka, Wasiirka Difaaca ee Israa’iil Yoav Gallant ayaa yiri, “Waxaan la dagaallamaynaa xayawaanka bani’aadamka,” isagoo ku dhawaaqay “go’doomin buuxda” oo lagu soo rogay degaankaas go’doonsan, taasoo ay ku jirtay joojinta korontada iyo ka horjoogsiga cuntada iyo shidaalka inay galaan dhulkaas.
Madaxweynaha Israa’iil Isaac Herzog ayaa sheegay, “Ma jiraan dad rayid ah oo aan waxba galabsan oo ku sugan Qasa,” Oktoobar 14. Laba toddobaad kaddib, Ra’iisul Wasaare Netanyahu ayaa xusay aayad ku jirta Baybalka isagoo sheegay in Israa’iil aysan ogolaan doonin xabbad-joojin Qasa.
“Waa inaad xasuusataan wixii uu Amalek idinku sameeyay, sida uu kitaabka Quduuska ahi sheegay,” ayuu yiri Netanyahu, isagoo raaciyay, “Waan xasuusanahay, waana dagaallameynaa... ciidamadayadu waa dhaxalka geesiyaal Yuhuud ah oo dib ugu noqda 3,000 sano.”
Hadda oo ay dagaalka Israa’iil ee Qasa galay bishii afar iyo tobnaad, wuxuu ku khasbay in ka badan 2 milyan oo Falastiiniyiin ah inay ka qaxaan guryahooda, wuxuu dilay in ka badan 39,000 qof — badankood haween iyo carruur — wuxuuna dhaawacay in ka badan 90,000 oo qof oo kale.
Doodda ku saabsan xasuuqa iyo nacaybka Yuhuudda
Dagaalka Israa’iil ee Qasa wuxuu dib u soo nooleeyay dood dheer oo ku saabsan qeexidda nacaybka Yuhuudda iyo in dhaleeceynta Israa’iil ay tahay hadal naceyb ah oo ka dhan ah Yuhuudda.
Tan iyo Oktoobar 7, Netanyahu ayaa si joogto ah u eedeynayay kuwa dhaliila Israa’iil ama siyaasadaha uu hoggaamiyo inay yihiin kuwa nacayb ka qaba Yuhuudda, isagoo hadallo kulul ku barbar dhigay Naasiyiintii, arrin ay dadka qaar ku doodaan inay khatar ku tahay macnaha erayga nacaybka Yuhuudda.
Bella Hadid waxay ka mid tahay dadka badan ee lagu eedeeyay, maadaama ay tahay qof si cad uga soo horjeeda tallaabooyinka Israa’iil ee ku wajahan dhulka Falastiin.
“Dhaleeceyn kasta oo ka dhan ah Israa’iil maaha mid nacayb ah oo ka dhan ah Yuhuudda,” ayuu yiri Tom Segev, oo ah taariikhyahan Israa’iili ah, oo la hadlay wakaaladda wararka ee AP.
“Markaad sheegto inay tahay naceybka Yuhuudda… waxaad meesha ka saaraysaa sharciyadda dhaleeceynta oo dhan, waxaadna isku dayaysaa inaad burburiso doodda.”
XIGASHO: TRTWorld iyo Wakaaladaha kale