Fanka & Dhaqanka
2 daqiiqo akhris
Markabkii Cusmaaniyiinta ee ku burburay meel u dhow Magaalada Datca, Turkiga, ayaa wuxuu bixinayaa muuqaal taariikheed oo ku saabsan ciidankoodii badda ee qarnigii 17aad
Bur-burka waxaa laga helay 14 qori oo ah nooca ay isticmaalaan ciidanka Janissary-ga, ku dhawaad 2,500 oo kubbado rasaas ah, gumucyo madaafiic ah oo qarxay, iyo maddiibado laga sameeyey dhoobo-dhagax lagu suntay midabka buluugga oo loo maleynayo in Shiinaha lagu soo sameeyey looguna talagalay suuqyada Islaamka.
Markabkii Cusmaaniyiinta ee ku burburay meel u dhow Magaalada Datca, Turkiga, ayaa wuxuu bixinayaa muuqaal taariikheed oo ku saabsan ciidankoodii badda ee qarnigii 17aad
Dhammaan caddaymahan waxay tilmaamayaan in markabku uu degey ka dib dagaal dhacay qeybtii labaad ee qarnigii 17aad. / Sawirka: Wakaaladda Anadolu
13 Janar 2025

Walxo muhiim ah oo lala xiriirinayo Boqortooyadii Cusmaaniyiinta ayaa la helay ka dib qodista markabka Kizlan ee xeebta magaalada Datca ee ku yaal koonfurta galbeed ee Turkiga, taasoo iftiiminaysa waayihii taariikhiga ahaa ee uu markabku uu degey.  

Sida laga soo xigtay war-saxaafadeed ka soo baxay Wasaaradda Dhaqanka iyo Dalxiiska Turkiga, qodista waxaa fulinaysa Xarunta Cilmi-baarista Badda ee Jaamacadda Dokuz Eylül (SUDEMER) oo qayb ka ah mashruuca "Hiddaha Buluugga ah/Blue Heritage."  

Qodista sanadkan waxa lagu soo saaray natiijooyin wax ku ool ah oo tilmaamaya aqoonsiga markabka iyo xilligii uu degey.  

Waxyaabaha la helay waxaa ka mid ah 14 qori oo ay lahaayeen ciidankii Janissary-ga, ku dhawaad 2,500 oo kubbado rasaas ah, iyo fuuqaq madaafiic ah oo qarxay, taasoo muujinaysa in markabku uu dagaal ku lug lahaa.

Waxaa intaa dheer, maddiibado laga sameeyey dhoobo-dhagax lagu suntay midabka buluugga, loona maleynayo in Shiinaha lagu soo sameeyey looguna talagalay suuqyada Islaamka, taasoo tusinaysa in markabku u socday hawl gaar ah ama hawl diblomaasiyadeed.  

Maadaama maddiibaduhu ay u xirxirnaayeen si khaas ah, waxaa la filayaa in ay ahaayeen hadiyad.  

Alaabo shaqsiyeed kale oo la rumeysan yahay in ay lahaayeen shaqaalaha iyo askartii markabka ayaa sidoo kale la helay. Waxaana ka mid ah tubooyin, shanlo geed ka sameysan, daasado naxaas ah, dheriyo iyo weelal dhoobo ah.  

Joogitaanka dhoobo laga keenay gobolka Djerba ee Tuuniisiya waxay muujinaysaa in markabku laga yaabo inuu ka yimid Waqooyiga Afrika.  

Markabka Kizlan wuxuu leeyahay muhiimad taariikhi ah maadaama uu yahay haraadiga markab Cusmaaniyiintu leeyihiin ah oo siday ciidanka Janissary-ga ee markii ugu horreysay laga helo badda Turkiga.

Qeybo ka mid ah dhinaca midig ee markabka ayaa la helay, taasoo tusisay faham dheer oo ku saabsan farsamooyinkii lagu dhisay markabka.  

Dhammaan caddaymaha waxay tusinayaan in markabku uu degey ka dib dagaal dhacay qeybtii labaad ee qarnigii 17aad.  

Waxaa la filayaa in qodista la dhamaystiro sanadka 2025-ka, waxyaabaha la helayna waxaa la filayaa in ay iftiimin doonaan taariikhda Cusmaaniyiinta ee xagga badaha.

Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us