Caalamka
2 daqiiqo akhris
Ahmed al Sharaa oo loo Magacaabay Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya
Mas’uuliyiinta Suuriya ayaa shaaciyay kala dirista ciidankii iyo hay’adihii amniga ee xilligii Bashar al Assad, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.
Ahmed al Sharaa oo loo Magacaabay Madaxweynaha Ku-meel-gaarka ah ee Suuriya
Dad fadhiyay kafateeriyada Rawda ee bartamaha caasimadda Suuriya, Dimishiq, 29-kii Janaayo 2025, iyagoo daawanaya telefishinka maxalliga ah oo baahinaya sawirrada hoggaamiyaha ku-meel-gaarka ah ee Suuriya, Ahmed al Sharaa.
6 jam yang lalu

Maamulka cusub ee Suuriya ayaa ku dhawaaqay in Ahmed al Sharaa, oo xukunka la wareegay kadib markii Bashar al Assad xilka laga tuuray bishii hore, loo magacaabay madaxweyne ku-meel-gaar ah, isla markaana loo xilsaaray dhismaha gole sharci-dejin ah oo kumeel-gaar ah, sida ay sheegtay warbaahinta dowladda.

Sharaa waxaa loo magacaabay "madaxweynaha dalka inta lagu jiro marxaladda kala guurka," sida ay sheegtay warbaahinta dowladda Arbacadii, iyadoo soo xiganaysa sarkaalka milateri Hassan Abdel Ghani.

Waxaa sidoo kale la sheegay in Sharaa uu heysto awood "uu ku dhisi karo golaha sharci-dejinta ku-meel-gaarka ah... ilaa laga gaarayo go'aan kama dambeys ah oo la xiriira dastuur cusub oo rasmi ah," kadib markii la shaaciyay in baarlamaankii xilligii Assad la kala diray, lagana laabtay dastuurkii 2012.

Kala Dirista Ciidamada iyo Kooxaha Hubeysan

Mas’uuliyiinta Suuriya waxay sidoo kale shaaciyeen in la kala diray dhammaan kooxihii hubeysnaa ee ka qeyb qaatay ridistii Bashar al Assad bishii hore, sida ay baahisay warbaahinta dowladda.

"Dhammaan kooxaha milateri waa la kala diray... waxaana lagu dari doonaa hay’adaha dowladda," sida uu sheegay sarkaalka milateri Hassan Abdel Ghani, oo sidoo kale ku dhawaaqay "burburinta ciidankii hore ee xukuumaddii dhacday" iyo laalaynta hay’adihii amniga ee xukuumadda Assad.

Waxaa intaas dheer in si rasmi ah loo kala diray Xisbiga Baath, oo Suuriya xukumayay tobanaan sano.

Sharaa Oo La Kulmaya Amiirka Qatar

Madaxweyne ku-meel-gaarka ah ee Suuriya, Ahmed al Sharaa, wuxuu la kulmi doonaa Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad Al Thani, maalinta Khamiista, inkastoo aan la shaacin goobta rasmiga ah ee kulanka.

"Madaxwaynaha cusub ee Suuriyaa, Ahmed al Sharaa, wuxuu la kulmi doonaa Amiirka Qatar, Sheikh Tamim bin Hamad," ayaa lagu yiri bayaan rasmi ah oo lagu daabacay bogga Telegram ee Madaxtooyada Suuriya Arbacadii.

Warbaahinta maxalliga ah ee Suuriya ayaa sheegtay in kulanka uu ka dhici doono caasimadda Dimishiq.

XIGASHO: AFP

Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us