Kuwait waxay mamnuucday sii deynta muuqaal ciyaareedka “Call of Duty: Black Ops 6,” oo ku saabsan Saddaam Xuseen iyo dagaalkii Khaliijka ee 1990-meeyadii.
Kuwait si rasmi ah ugama hadlin mamnuucista ciyaarta, oo ah mid muhiim u ah shirkadda Microsoft oo ah milkiilaha soo saaraha ciyaartan ee Activision, iyadoo ciyaartan loo qorsheeyay in dunida oo dhan laga sii daayo maalinimada Jimcaha.
Laakiin Activision waxay ku sheegtay bayaan ay soo saartay in ciyaarta “aanan oggolaansho loogu helin in Kuwait laga sii daayo.” Wax faahfaahin dheeraad ahse lama bixin.
Ciyaartan oo ah mid dagaal oo qof-ka-koowaad waxay daba socotaa howlgallo ay sameynayaan wakiilo waaxda sirdoonka mareykanka (CIA) oo ka socda Mareykanka iyo Bariga Dhexe. Muuqaalada hordhaca ah ee ciyaarta ayaa muujinaya goobaha shidaalka ee gubanaya, taasoo xusuus xanuun badan ku abuureysa dadka Kuwait.
Waxaa sidoo kale muuqda sawirro muujinaya Saddaam iyo calankii hore ee Ciraaq ee saddexda xiddig lahaa oo lagu soo bandhigay muuqaaladii ay horay u shaaciyeen soo saarayaasha ciyaarta.
Qeybta multiplayer-ka ee ciyaarta, oo ah mid si weyn loogu jecel yahay taxanahan, ayaa waxaa ka mid ah dagaallo ka dhacaya lamadegaanka Kuwait oo loo bixiyay Scud, magac u muuqda inuu ka yimid gantaaladii Saddaam uu adeegsan jiray xilligaas. Mid kale waxaa loogu magac daray Babylon, oo ah magaalada qadiimiga ah ee Ciraaq.
Tani ma aha markii ugu horreysay ee franchise-kan caanka ah uu ku lug yeesho muran ku saabsan sida uu u matalo goobaha iyo dadka, gaar ahaan kuwa reer Aasiya iyo Bariga Dhexe oo inta badan lagu soo bandhigo ciyaarta iyagoo ah dambiilayaal.
Xasuuqii Garoon Diyaaradeed ku yaalla Ruushka:
Ciyaarta “Call of Duty,” oo suuqa soo gashay 2003 iyadoo ah ciyaar dagaal oo ku saleysan Dagaalkii Labaad ee Adduunka, ayaa hadda ku fiday boqortooyo qiimaheedu gaarayo balaayiin dollar oo hadda ay leedahay Microsoft.
Laakiin sidoo kale waxay dhalisay murano marka gameplay-ga ciyaarta uu galay arrimaha juqraafi-siyaasadeed. Shiinaha iyo Ruushka labaduba waxay mamnuuceen qeybo ka mid ah taxanaha ciyaarta.
“No Russian” waa howlgal ku jirtay ciyaarta 2009 ee Call of Duty: Modern Warfare 2.
Howlgalkan ciyaarta waxay dhalisay muran weyn maadaama ay oggolaatay in ciyaartoydu ka qeybqaataan weerar argagixiso oo ka dhaca garoon diyaaradeed oo ku yaalla Ruushka, halkaasoo dad rayid ah lagu laayay.
Dadka dhaleeceeyay sheekada ciyaarta ayaa ku tilmaamay mid “aan macno lahayn” waxayna ka maadsadeen ikhtiyaarka loo siiyay in heerkaas ciyaarta la dhaafi karo. Sababo la xiriira rabshadaha muuqda ee heerkaas, waxaa heerkaas laga jaray noocyada caalamiga ah ee ciyaarta, waxaana gebi ahaanba laga saaray nooca Ruushka loogu talagalay.
Castro oo Kaftankii Ugu Dambeeyay Ku Guuleystay
Fidel Castro, hogaamiyihii Cuba iyo bartilmaameedkii isku day dil oo ay Maraykanku ku fashilmeen, ayaa qeyb ka ahaa ciyaartii 2010 ee Call of Duty: Black Ops.
Howlgalka lagu magacaabo “Operation 40” wuxuu muujinayaa hawlgal ay wadaan ciidamada Maraykanka Mason, Woods, iyo Bowman oo isku dayaya inay dilaan Fidel Castro. Mason ayaa si guul leh u dilaya, laakiin goor dambe ayay soo baxday in ay dileen qof isaga u eg (body double).
Cuba waxay noocaas ciyaarta ugu yeertay “aflagaado qalloocan” oo ka timid warbaahinta Maraykanka waxayna ku eedaysay Washington fashilaadihii isdaba joogga ahaa ee ay ku doonayeen inay ku khaarajiyaan Castro.
Banaanbaxyadii Shiinaha
Sanadkii 2020, hordhaca ciyaarta Call of Duty: Black Ops: Cold War ayaa soo bandhigay muuqaallo taariikhi ah oo ka turjumaya dhacdooyinkii dhabta ahaa, oo ay ku jiraan banaanbaxyadii Tiananmen Square ee 1989.
Hordhaca laba-daqiiqo ee ciyaarta, oo si weyn loo sugayay, ayaa laga mamnuucay Shiinaha maadaama dowladda Beijing ay si adag u ilaaliso xusuusta iyo xaqiiqada taariikheed ee dhacdooyinkaas.
Caradii Muslimiinta
Sanadkii 2021, taxanaha ciyaarta Call of Duty wuxuu wajahay falcelin aad u xooggan oo ka yimid waddamada Muslimiinta kadib markii noocii ugu dambeeyay lagu eedeeyay inuu ixtiraam-darro u muujiyay diinta Islaamka.
Ciyaarta Call of Duty: Vanguard’s Zombies waxaa ku jiray muuqaallo ay bogag ka mid ah waxa u muuqday Qur’aanka Kariimka, buugga ugu sharafta badan Islaamka, lagu arkayay iyadoo daadsan dhulka.
Arrintani waxay sababtay carro aad u weyn oo ka dhalatay baraha bulshada iyo baaqyo lagu dalbanayo in ciyaarta la qaadaco. Franchise-ka ciyaarta ayaa markii dambe raalli-gelin bixisay.
Xigasho: TRT World iyo Wakaalado kale