Sidee Turkigu isugu soo dhoweeyey Itoobiya iyo Soomaaliya?
Turkiye
5 daqiiqo akhris
Sidee Turkigu isugu soo dhoweeyey Itoobiya iyo Soomaaliya?Heshiiska Ankara, wuxuu astaan u yahay guul-darrooyin la xaliyay iyo xasillooni diblomaasiyadeed, iyadoo Turkiga uu dhexdhexaadin ka sameeyay wadahadallada labada dhinac, taasoo muujineysa istaraatiijiyadda Ankara ee gobolka Geeska Afrika ee ay halakeeyeen dagaaladu. .
Si kastaba ha ahaatee,Turkiga ayaa si taxadar leh u qaabeeyey doorkiisa dhexdhexaadineed,kana hadlay welwelka Itoobiya iyadoo qiratay cabashada Soomaaliya.
6 گھنٹے قبل

W/Q: YUSUF KAMADAN

Soomaaliya iyo Itoobiya ayaa kala saxiixday heshiis wadajir ah 11 Diseembar 204, kaasoo lagu xallinayo khilaafka ka dhashay heshiis ay horay Itoobiya ula gaartay Somaliland iyo baahida Itoobiya ee ah inay hesho marin badeed, iyadoo madaxweyne Recep Tayyip Erdogan uu fududeeyay heshiiska.

Intii lagu jiray shir jaraa’id oo lagu qabtay magaalada Ankara, madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan wuxuu ammaanay madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Ahmed dedaalkooda ku aaddan dib u heshiisiinta taariikhiga ah. 

Heshiiska Ankara, , wuxuu xudun u yahay dadaallada lagu dhimayo xiisadaha labada dal ee ugu awoodda badan Geeska Afrika.

“Diblomaasiyadda dhexdhexaadinta ee Turkiga waxay suurtagal ka dhigtay in cabashooyinka Itoobiya la xalliyo, iyada oo aan la wiiqin madax-bannaanida Soomaaliya,” ayuu yiri Dr. Ibrahim Mulushewa, oo ah Agaasimaha Xarunta Daraasaadka Isdhexgalka Qaranka iyo Gobollada(Sheeg halka uu ku yaal machadkaani).

Heshiiskan wuxuu xaqiijinayaa in labada dal ay ka go’an tahay ilaalinta madax-bannaanidooda, midnimadooda, iyo wadajirkooda dhuleed, wuxuuna gogol xaar u yahay wadahadallo farsamo oo la xiriira marin badeedka Itoobiya, kuwaasoo la filayo in la soo gabagabeeyo bartamaha 2025.

Doorka Turkiga ee Dhexdhexaadinta labada dal

Guusha Turkiga waxay salka ku haysaa dhexdhexaadnimo dhab ah,tanoo ah wax aan looga baran arrimaha ka dhaca Geeska Afrika oo si joogto ah ay ugu soo noqnoqdeen  faragelin shisheeye iyo muranno taariikhi ah.

“Mid ka mid ah waxyaabaha Turkiga u suurto geliyay guushan, waa dhexdhexaadnimadooda inta uu socday geeddi-socodka wadahadalka,” ayuu yiri Dr. Mulushewa. “Markii ay ka fogaadeen inay dhinac u janjeersadaan, Turkiga waxay kasbadeen kalsoonida labada dal, taasoo Itoobiya u ogolaatay inay si nabad ah uga qayb gasho.”

Itoobiya, oo ah cududda milatari ee ugu weyn Geeska Afrika, waxay markii hore ka cabsaneysay in wadahadalladu ay wax u dhimi doonaan danaha istiraatiijiyadeed ee ay leedahay. Heshiis ay bishii Janaayo 2024 la gashay Somaliland wuxuu mar horeba dhaliyay xiisad diblomaasiyadeed, iyadoo Soomaaliya ay u aragtay in heshiiskaasi xad gudub ku yahay  madax-bannaanideeda.

Balse Turkiga wuxuu si xeel dheer u dhexdhexaadiyay, isagoo wax ka qabtay walaaca Itoobiya isla markaana aqoonsaday cabashooyinka Soomaaliya.

Dowladda Ankara waxay dhistay xiriir xooggan oo ay la leedahay labada dal, taasoo horseeday jawi kalsooni leh. Muddo sannado ah, Turkiga wuxuu noqday saaxiib la isku halayn karo, iyadoo xiriirka dhaqaalaha iyo horumarka uu si weyn u dhaxal siiyay labada dhinac.

Dr. Mulushewa wuxuu xusay muhiimadda ay leedahay kalsoonida Turkiga: “Itoobiya waxay markii hore ka cabsatay wadahadallo ay dhinacyo badan ku lug leeyihiin. Turkiga, oo sumcad fiican ku leh dhexdhexaadinta, waxay Itoobiya ku qanciyeen in danahooda aan la duudsiin doonin.”

Dejinta  Xaaladda iyo dhinacyada oo wada guulaystay

Heshiiska Ankara wuxuu ahaa mid si xeel dheer loo dhisay. Wuxuu aqoonsaday isku tiirsanaanta labada dal, isagoo xoogga saaray danaha wadaagga ah ee amniga. Itoobiya, oo ah dal ay ku nool yihiin 120 milyan oo qof oo qowmiyado kala duwan ah, waxay si fiican u garowsatay in xasiloonida Soomaaliya ay toos u saameynayso amnigeeda.

“Turkiga wuxuu ka shaqeeyay sidii wadahadalladu uga samata bixi  lahaayeen qaab-dhismeedka galbeedka ee caadiga ah, taasoo Itoobiya aad uga heshay,” ayuu sharxay Dr. Mulushewa. “Waxay Itoobiya siisay fursad ay ku wada xaajoodaan iyagoo aan la xukumayn, isla markaana kor loogu qaadayo iskaashi iyo wadajir.”

Qodob muhiim ah oo ku jiray heshiiska ayaa ah in doodda lagu wareejiyay baahida amniga gobolka, halkii laga xoojin lahaa murannada taariikhiga ah. Waxaa si cad loogu muujiyay doorka istiraatiijiga ah ee Itoobiya ee helista marin-badeed, iyada oo la xaqiijinayo in madax-bannaanida Soomaaliya aysan wax yeeli doonin.

“Diiradda la saaray iskaashiga amniga wuxuu ahaa furaha guusha,” ayuu yiri Dr. Mulushewa. “Waxay Itoobiya u ogolaatay inay eegto faa’iidooyinka nabadda ee Geeska Afrika halkii ay diiradda saari lahayd loollanka.”

Aragtida Beesha Caalamka ee Heshiiska

Mareykanka wuxuu heshiiska ku tilmaamay mid dheellitiran oo isku haya wadajirka dhuleed iyo iskaashiga dhaqaale.

Afhayeen u hadlay Xafiiska Arrimaha Dibadda ee Boqortooyada Ingiriiska (FCDO) wuxuu bogaadiyay heshiiska, isagoo sheegay in ay tahay tallaabo lagu horumarinayo xasilloonida, horumarka, iyo barwaaqada gobolka.

Midowga Yurub wuxuu heshiiska u arkay calaamad muujinaysa muhiimadda xushmadda labada dhinac iyo wadahadalka lagu yareynayo xiisadaha gobolka. Waxa ay markale ku celiyeen taageeradooda ku aaddan midnimada, madax-bannaanida, iyo wadajirka dhuleed ee labada dal.

Qaramada Midoobay ayaa sidoo kale soo dhoweysay heshiiska, iyadoo afhayeenkooda Stephane Dujarric uu ku tilmaamay mid horumar wanaagsan u ah nabadda iyo is-fahamka labada dal. Dujarric wuxuu yiri, “Waxaan si diirran u soo dhoweyneynaa heshiiska Ankara ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya oo ay fududeysay Turkiga.”

Midowga Afrika ayaa heshiiska bogaadiyay, wuxuuna labada dal ugu baaqay inay si dhaqso leh u fuliyaan qodobadii la isla meel dhigay. Guddoomiyaha Komishanka Midowga Afrika, Moussa Faki Mahamat, wuxuu si gaar ah ugu mahadceliyay madaxweyne Erdogan doorkiisii muhiimka ahaa ee fududeynta wadahadallada.

Guul Diblomaasiyadeed oo Lagu Wada Faa’iiday

Iyadoo Turkiga uu heshiiskan u dhigay iskaashi laba dhinac ah oo ay labada dal dan ka wada leeyihiin, wuxuu arrin cakiran u beddelay horumar,taasoo ah guul-diblomaasiyadeed laga hirgeliyay gobol u baahan xasillooni.

“Heshiisku ma ahan kaliya waraaq la kala saxiixday,” ayuu yiri Dr. Mulushewa. “Waa guul diblomaasiyadeed oo muujinaysa awoodda Turkiga ee xalinta khilaafaadka adag ee gobol aad u xasaasi ah.”

XIGASHO: TRT World iyo Wakaaladaha Wararka

Ka fiirsada TRT Global. La wadaag ra'yigaaga!
Contact us